Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:- Magacyada Afar Nin oo Al-Shabaab ay ku toogteen Fagaare ku yaalla Bu’aale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka lagaa heleyso Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Maanta halkaasi ay Xukun toogasho ah ku fuliyeen Afar Nin oo laga kala keenay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.

Fagaare ku yaalla Degmadaas ayay Al-Shabaab isugu keeneen Shacabka Magaalada iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya iyaga oo isla Goobta ku toogtay.

fagaaraha-xadu-ridaa-600x430.jpg?resize=

War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Afartan Nin ay qirteen dembiga lagu soo oogay kuwaas oo Magacyadooda kala ahaa.

1: Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas

2:  Cumar Cadar Cumar

3: Maxamed Aba Mayoow

4: Mustaf Macalim Xasan

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tiro ka dhowr jeer waxa ay fal toogasho ah ku fuliyeen dad isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay xiriir leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this