Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa baahiyay Sawirada dhalinyaro dhowr ah oo la sheegay inay yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab kuwaa oo lagu qabtay howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Dhalinyarada lagu soo bandhigay Taliska Ciidamada Xoogga oo tirro ahaan dhan ilaa 15, ayaa xiliga la qabanaayay ku howlanaa falal amni darro.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa sheegay in maleeshiyaadkan ay halis ku ahaayen amniga deegaanada uu howlgalka ka dhacay isla markaana ay faramuuqeen dadka deegaanka oo ay dhibka ku hayeen.

Howlgalka lagu soo qabtay maleeshiyaadkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.

Dagaal-1.jpg?resize=640%2C360

Dagaal-2.jpg?resize=640%2C360

11-3.jpg?resize=640%2C360alshabaab-1.jpg?resize=640%2C360Ciidamo-6-640x360.jpg?resize=640%2C360Dagaal-3.jpg?resize=640%2C360

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this