Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Jamhuuriga ahaa ee Mareykanka oo sheegay inuu u u codeeyay Hillary Clinton

Recommended Posts

Deeq A.   

160505-george-bush-father-son-mn-1115_b5Washington (PP) ─ Madaxwaynihii hore ee Mareykankan, George Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inuu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton doorashada madaxnimo ee Mareykanka ka dhacay sannadkii hore.

Wiilkiisa George W Bush ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxweynihii ugu dambeeyay ee ka socda Jamhuuriga, inkastoo uu Trump isaguba ka socday xisbiga Jamhuuriga.

“Ninkan [Trump] ma yaqaanno waxay ka dhigan tahay inaad Madaxwayne noqoto,” ayuu yiri George W Bush. Wuxuuna hadalkan ku sheegay Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Qaybo hordhac ah oo Buuggaan ku sabsan ayaa waxaa daabacay Qaar ka mid Warbaahinta dalka Mareykanka, kaasoo shacab badan oo dalka Marekanka u dhashay ay akhriyeen.

“Ma jecli – wax badanna kama aqaan, balse waxaan ogahay inuu yahay nin isla-weyn, kumana faraxsani inuu noqdo hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa daba dhigay George Bush, oo madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989-kii iyo 1993-kii.

Dhanka kale, Xilligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxnimo ee Mareykanka sannadkii 2016-kii ayaanay George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midna uusan taageerin Donald Trump.

Laakiinse, buugan cusub sida lagu qoray, George Bush ayaa xaqiijiyay inuu u codeeyay Hillary Clinton oo ahayd musharraxad si fudud uu kaga guuleystay madaxweynaha Mareykanka ee haatan xilka haya Trump.

Ugu dambeyn, George W Bush, ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta Madaxwaynanimada Mareykanka aanu waxba ku qorin, taasoo ka dhigan in aysan jirin cid uu codkiisa siiyay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii Jamhuuriga ahaa ee Mareykanka oo sheegay inuu u u codeeyay Hillary Clinton appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this