Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo la sheegay in culeys uu kala kulmayo Musharaxiintii kula tartantay Xilka Madaxweynenimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) โ€“ Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi.

Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uuย  kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaaโ€™illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda Dhaqaalaha ee burburi kara.

Warbixin ay qortay Xarunta Cilmi-baarista ee (Mogadishu Center for Research and Studies(ย  ayaa lagu sheegayย  in caqbadda 1-aad eeย  Madaxweyne Farmaajo tahay Alshabaab oo loo arko cabsida Ammaanka Somalia iyo dalalka kale ee deriska ee Geeska Afrika.

Caqabadda 2-aad waxaa lagu xusay inay tahay Midnimadda Somalia, iyadoo Somalia ka mid tahay dalalka Carbeed ee ay soo wajaheen Burburka iyo Kala-qeybsanaanta.

Xaalladda Ammaan Laโ€™aanta iyo maqnaanshaha Doorka Dowladda Dhexeย  ee isku haynta Midnimadda Federalka ee dalka.

Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa ah Dowladda keliya ee ku dhawaaqday inay ka goโ€™day qeybaha kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan Somaliland helin Aqoonsi Gobaleed iyo Ictiraaf Caalami ah.

Caqabadda 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo soo wajahday ayaa ah Maamulka Qabaaโ€™ilka, iyadoo ay Hoggaamiyaha Beelaha awood ku leeyihiin Somalia, maadaama ay iyaguย  dhisaan Qeybta ugu weyn ee Siyaasadda Dowladda Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Awoodaha Qabaaโ€™ilka ku leeyihiin dhulka ka sarreyso tan ay ku leeyihiin Awoodda Fulineed ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Sida laga soo xigtay Warbixin lagu qoray Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London Caaqil Beeleed kasta waxaa la siiyey laaluush dhan 5,-000 oo Dollar si ay u soo doortaan Wakkiiladooda

Baarlamnka, kadib ,markii Madaxweynihii hore ee Dfs, Xasan Sheekh Maxamudu la soo doortay.

Wakiiladaasi waxay yihiin Xildhibaanadda Barlamaanka, iyadooย  qaar ka mid ah Kuraasta Barlamaanka ee Doorashadii u dambaysay UU qiimahooda gaaray in ka badan hal million oo Dollar

Warbixinta waxay Caqabadda 4-aad eek u hor gudban Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Ciiddamadda, iyadoo Dowladda Somalia dhibaato kala kulmayso maqnaanshaha Ciiddan Xooggan oo awoodi kara inay dib u soo celiyaan Midnimadda iyo Ammaanka.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Awooddii Ciiddanka Somalia aad u tabar daraysay, kuna soo nolol qaateen Dagaal-beeleedyo.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in inta badan Ciiddamadda leeyihiin Qabaaโ€™ilada Hawiye iyo Daarood, kuwaasi oo loolan adag ugu jira maamulista Ciiddanka DFS iyo inay xadidaan Galaangal;ka Madaxweyne Farmaajo u yeelan karoย  inuu ka guuleysto Kooxaha Jihadistayaasha, waa sida hadalka loo dhigay.

Weerarkii la doonayey inay qaadaan Ciiddanka DFS waxaa bedelkooda qaada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Warbixinta waxay Caqabadda 5-aad ku sheegtay Xaalladda Dhaqaalaha Somalia oo sannadihii la soo dhaafay ahaa mid aad u sii xumaaday, WAXAYNA Dhaqaale-xumid ka dhalatay Xisiagdaha Amni-xumida iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira dalka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey markii uuย  Madaxweyne Farmaajoย  xilka la wareegay inuu sheegay inay Dowladiisa la dagaalami doonto Falalkaย  Musuqa iyo Maamul-xumida ka dhex jira Hayโ€™addaha Dowladda..

Madixii hore ee Waaxda Maareynta Maaliyadad Dowladda, C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in in ka badan Hal BILLION oo Dollar laga waayey Khasnadda Dowladda muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii.

Warbixinta waxaa ugu dambeynti ilagu muujiyey in Dhallinyarada Soomaalida ee Shaqo laโ€™aanta haysata gaarayaan 67%, halka 73% Dadka Soomaalida ku nool yihiin nolol saboolnimo leh, iyadoo qofkiiba helo maalintiiba wax ka yar 2 Dollar.

Xigasho: http://mogadishucenter.com

Isha: Dalsan Radio

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.comย 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this