Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Halkee Maraysaa Dacwadii Muranka Badda ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed_Cali_Daahir_Dacwad_Badeed.jpg?resiMuqdisho (PP) ─ Xeer-iaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayso Dacwaddii muranka Badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya, taasoo taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalladda ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inuu dhamaaday wajigii koowaad ee dacwada, isla markaana laga sugayo Kenya inay gudbiso jawaabta dulucdii dacwada ee ay horay Somalia u gudbisay.

“Dacwadda wajigeedii koowaad wuu soo dhamaaday, Maxkamadduna waxay horay u sheegtay inay awood u leedahay inay dhageysato, go’aan ka gaarto, waxaana hadda ay Kenya ku khasban tahay in kama dambeys 18-ka bisha December ee sannadkan inay gudbiso dulucdii jawaabta dacwada,” ayuu yiri Dr. Dahir oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in wixii ka dmabeeya 18-ka bisha December ay maxkamadda dhageysan doonto dulucda dacwada iyo doodaha labada dhinac sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Maxkamadda ay labada dhinac u diri doonto wixii go’aano ah ee ka soo baxa jawaabta laga sugayo Kenya, isla markaana ay ka war sugayaan.

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay awood u leedahay inay dhageysato dacwada u dhaxeysa labada dal, isla markaana ay go’aan ka gaarto, taasoo meesha ka saartay is hor-taagii ay Kenya ku dooneysay ee ahaa in aysan dacwadan qaadi karin Maxkamadda.

Ugu dambeyn, Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa mid soo jiitamayay, waxaana horay ay Kenya dalbatay in wada hadal ay ka yeeshaan arrintan, hase ahaatee ay diiday Dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post AKHRISO: Halkee Maraysaa Dacwadii Muranka Badda ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this