Sign in to follow this  
Mooge

People of Puntland rejected the lifting of traffic ban from the South

Recommended Posts

Mooge   

guul niyoow after President Gaas tried to "be presidential" and lifted the ban of vehicles from south somalia entering puntland, the people stopped his order and galkacyo is blocked. Vice President Cameey is the man who has more say in Puntland today. his order is working.

 

gaalkacyo55.jpg

 

Kadib markii Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu ka gacan-seyray kuna tilmaamay go*aan nacasnimo ah inuu iskiis u gaaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntlland Eng-Cameey,ayaa Shacabka Gaalkacyo u hogaansamneen amarkii Cameey,iyagoo ka horyimid amarkii Gaas.

 

Dadweyne careysan iyo Gawaari careysan ayaa xiray wadooyinkii Muqdisho laga soo galayay ee dhanka Xaaafada Baraxleey ee Maamulka Galmudug,waxayna ka horyimaadeen Gawaarida Koonfurta Soomaaliya uga imaanaya,ilaa rarka ay sidaan laga dajiyo oo Gaawaari Puntland laga leeyahay lagu wareejiyo,inaysan gudaha Waqooyiga Gaalkacyo u soo gudbi-karin,iyagoo ka shaki-qaba Gawaariddan inay qaraxyo miineysan ula soo gudbaan dhanka Puntland,una laayaan Shacab rayid ah,sidii shacday bil ka hor.

 

Dadweynaha Gaalkacyo ayaa ku tilmaamay Gaas inuu yahay shaqi jirjiroole ah oo markasta 36-Digrii is-wareejinaya,iyagoo ku wareeraray amaro kala duwan iyo go*aamo is-barbar yaacaya markasta inuu soo saaro,waxayna inta badan Shacabka aaminsan-yihiin go*aankii Cameey ee Gaas uu burburiyay inay u hogaansamaan,inta ay qaadan-lahaayeen amarka shaqsi beentiisa iyo runtiisa lagu jahwareeray.

 

Madaxweynaha Puntland oo amray in la fasaxo gawaaridda Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Puntland,iyagoo aan la baarin inay isu gudbaan,ayaa waxaa ka horyimid Shacabka Gaalkacyo.

 

Gaas oo Madaxtooyadda Garoowe amarka isu socodka gawaaridda soo saaray,ayaa lama filaan ku noqotay,amarkii uu soo saaray inay ka horyimaadeen Dadweynaha Gaalkacyo,iyagoo u hogaansamay amarkii Madaxweyne ku-xigeenka Cameey.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro Gawaari Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland ka socda oo isku gudbay,waxaana Gawaarida badeecadaha ay ku kala wareegayaan,Xuduuda dhanka Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo oo ay gawaaridda raashinka iyo xoolaha ay wadaan ku kala roganaya Koontaroolka Koonfureed ee dhanka magaaladda Muqdisho u baxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this