Sign in to follow this  
Asad Ahmed

Ciidamo farabadan oo ku soo gulgulaya Hiiraan iyo Gedo

Recommended Posts

Breaking news

June 13 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan oo xoojin ah la geeyay deegaankaas, kuwaasoo ku biiraya ciidamadii horay u joogay deegaanka ee la dagaalamay Al-Shabaab.

 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa ka yimid dhinaca Beledweyn.

 

Ciidamadan ayaa saldhigyo ka sameystay waddooyinka waddooyinka soo gala Halgan, waxaana sidoo kale ay dageen saldhigii lagu weeraray Ciidamadii horay u joogay.

 

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in mar kale lagu dul dagaalamo, waxaana qaarkood ay bilaabeen inay isaga barakacaan.

sidoo kale dhaqdhaqaayo ciidan ayaa laga dareemay degaanka moyale oo ciidamo farabadan ka soo gudbeen kuna wajahan Gedo.

 

Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Halgan 9-kii bishan ayaa sababay khasaare aad u culus oo dhimasho iyo dhaawacba oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

 

Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhiga ciidan looga dilay in ka badan 100 dagaalyahan, sidoo kale waxaa tiradaas kuwo ka badan sheegay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Itoobiya ayaa ciidamo ka badan tiradii looga qoondeeyay howl galka AMISOM soo gelisay Soomaaliya, kuwaasoo xoojin iyo ilaalaba u ah ciidanka kaga sugan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Hiiraan iyo Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this