Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galnus Just Lost Hobyo

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ururka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Hobyo ka dib markii Maleeshiyadii iyo Hubkii yaalay la keenay Baraxlay.

 

Ururka Shabaab ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug ka dib markii dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid uu xaafada Baraxlay ee magaalada Gaalkacyo uso raray hubkii iyo Maleeshiaydii ku sugnayd deegaanka Hobyo.

 

Wararka aanu ka helayno Hobyo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la hadleen dadka deegaanka,ayna ugu baaqeen inay ka qayb qaataan dagaalka ay wadaan.

 

Kooxda Shabaab ee qabsaday deegaanka Hobyo ayaa ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana Waddooyinka kaso baxa Hobyo lagu arkayaa ciidanka iyo Gawaarida Shabaab sida dadka deegaanka ay Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyeen.

Ururka Shabaab ayaa dhabarka dambe ka jooga Maleeshiyada Galmudug ee ku sugan xaafada Baraxlay.

 

Xaafadda Baraxlay ayaa gabi ahaanba laga qaxay,waxaana dadku ay isugu tageen baadiyaha kaabiga ku haya Baraxlay.

 

Odayaasha dhaqanka Baraxlay ayaa maanta Odayaasha dhaqanka Puntland ka codsaday in jaanis loo siiyo in illaa galabta ay jawaab kama dambays ah ka siiyaan natiijada doorkooda Nabadeed.

www.puntlandi.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this