Che -Guevara

1da luulyo

Recommended Posts

Cabdillaahi Suldaan (Timacadde)

 

 

 

Anigoo sebi uun ahoo

Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo

Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo

Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee

Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan sarmaseejo

Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro

Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay

I su'aala hadhow

 

 

 

Ilaahaan waxba seegine

Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow

Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow

Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e

Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo

Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

 

 

 

Subciyay oo ka dukeeyaye

Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye

Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow

Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow

Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow

Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

 

 

Saahidiinta lslaamka e

Subcisaa Jimcayaashiyo

Sibyaanta iyo haweenku

Calankay Saadinayeenow

Cidina kaanay na Siine

Saatir noogu yaboohayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

Sallaankii istiqaalkow

Sedadu kay ku xidhnaydow

Sayruukhii Afrikaadow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

San-ku-neefle dhammaantii

Khalqiga kii u sinnaayeen

Mid saaxiib la ahayne

Sangalkii iska diidayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

Soomaloo iscunaysa oo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysu cabbaystiyo

Hadba soof la xabbaadhiyo

Saraayaa dami weydey

Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa'ile

Isu saaray gacmaa ee

Saf walaala ka yeelayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

In sidayda tihiin iyo

In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta

Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo

Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo

Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Clevah   

Ilaahow somali quluubtooda isu soo jeedi

 

Su'aasha ah ilahay waa noga hiiliyey cadowgiii Soo jireenka ahaaa balse cadowgaas haduu wali naheesto oo anaan xor aheen ma waxaan ugu magac darnaa 1 juulyo mise waxaan ugu magac darnaa maalinta uu cadowgii aan kaxorownay 1960 kiiii uu dalkena hada siyaasad ku heesto???

 

Aniga hadan ahaan lahaa inta talada heeso dalka ayaan cadowga kasaari lahaa intaan dabaal dagaayo anigoo lahesto ah cubucdaydana dhulka taal!!!! Figrada waan kuka duwanahay saaxiiba yaal jirkaaa idubaaxshooo riyaan kucaweeyaa inta tuunay wadankayga lagu raqleen........ Somaliya hanolato!!!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.