Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fierce Fighting in beledxaawo between Shabaab and the Ethiopians

Recommended Posts

Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Maanta ka dhacay Degmada Balad-xaawo

0 0 Google +0 0

 

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo baqonimadii maanta ka qarxay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo madaafiic ay tuureen ciidamada Itoobiya ay ku dhacday guryo ku yaalla degmadaas.

 

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal toddobaadkii hore ka dhacay degmadaas, kaasoo u dhexeeyay dhinacyada maanta ku dagaalamay degmadaas, iyadoo uu dagaalka maanta ahaa mid aad u culus.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalka ayna sidoo kale ku gubteen dagaalka guryo fara badan, iyadoo dadkii degmadaas ku noolaa ay kala firxadeen.

 

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Somalia oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid lasoo qorsheeyay oo lagu doonayo in degmada lagu qabsado.

 

“Dagaalkan waa mid laga soo qorsheeyay degmada Dooloow, waana mid lagu doonayo in maamulka Jubba uu ku qabsado degmada,” ayuu yiri Kaliil oo intaa ku daray in khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawac ah uu dagaalka ka dhashay.

 

Sidoo kale, mas’uul u hadlay ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, isagoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo khasaare badan uu ka dhashay.

 

“Waxaan caddeynayaa in dagaalku uu ahaa mid abaabulan oo lagu doonayo in lagu qabsado degmada Balada-xaawo, runtii anigu waxaan ogahay laba askari oo labada dhinac ka tirsan oo dhintay, dad badan oo shacab ah inay dhibaato soo gaartayna waan maqlay, waxaan kaloo gubtay guryo ay shacab lahaayeen,”ayuu yiri Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaaddi oo ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca.

 

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii ka yimid degmada Dooloow ee taageersanaa maamulka Ahlusunna ayaa la sheegay inay xaafado badan oo degmada Balad-xaawo la wareegeen, welina ay rasaastu si goos-goos ah u dhacayso.

 

Wixii kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta13-46551.htm#sthash.1knZ0Dih.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this