Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt To Hold 3 Way Conference For Jubbaland, SW3, PM

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garowe oo marti galinaysa shirweyne Puntland, Jubaland, DF & maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo xogogaal ah oo si hoose ula hadlay shabakada wararka ee Dunidaonline.com ayaa u xaqiijiyey in dowlada Puntland 18-ka ilaa 20-ka bishan April shirweyne looga hadlayo arrimaha maamul goboleedyada ku marti galin doonto magaalo Madaxda Puntland ee Garowe.

 

 

Shirkan oo ay kasoo qeyb galayaan madaxda maamulada Jubaland, Puntland , Maamulka cusub ee dhawaan Baydhabo saddexda gobol looga doortey ee Koonfur Galbeed iyo Wafti ka socda dowlada Federalka Somalia oo uu hogaamin doono Ra,iisal wasaare C.wali Shiikh Axmed.

 

Warbaahinta Dunidaonline.com oo horey wax uga qortey safarka la filayo inuu Ra,iisal wasaaraha Somalia ku yimaado Puntland ayaa qorshuhu yahay inuu kala qeyb galo dhinacyada ay ka mid yihiin Puntland, Jubaland, Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed shirweynaha dabayaaqada bishan Garowe lagu marti galinayo.

 

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo haatan booqasho ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa la filayaa marka uu safarkiisu soo dhamaado inay Puntland isu diyaariso qaban qaabada shirkan lagu marti galinayo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo shirar arrimaha Somalia ku saabsan lagu qabto Garowe oo ah Caasumada Puntland, walow uu noqonayo qorshaha shirkan la hadal hayo in looga hadli doono mid ka duwan shirarkii horey uga qabsoomay Garowe iyo Gaalkacyo.

 

 

Xafiiska Wararka

Dunidaonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this