Sign in to follow this  
gooni

Awaan sangu qaylo dhaantu maka dhabaa

Recommended Posts

gooni   

Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo la hadlay idaacada mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn uga cowday dad uu sheegay inay dhibaato ladaba taaganyihiin mudo ka badan 23 sano.

Abwaan Sangub ayaa sheegay in markan uu xamili waayay dhibaatada lagu hayo oo uu mudo dheer qarsanayay Dadka uu ka cabanayo abwaanka ayaa mar wax laga weydiinay waxa uu sheegay inay yihiin dad kasoo jeeda Gobalada Woqooyi ee Soomaaliya.

Sangub waxa uu intaa raaciyay Dhibka lagu hayo in uu yahay mid qoto dheer oo xitaa wixii uu alifo laga bixinayo sawir qaldan ,iyadoo tii ugu danbeysana ay aheyd filimkii uu dhawaan abwaanku ka sameeyay magaalada muqdisho ee lamagacbaxay “Umad wada siyaasi ah side loo dhaqayaa “iyadoo filimkaasina durba dadka uu abwaanka uu ka cabanayo ay u bedeleen inuu ahaa mid beelo gaar ah loola dan lahaa.

Abwaan sangub ayaa tilmaamay in dadka dhibaateynaya aanay jirin wax u haray oo ay ku xushmeynayaan ayna ka dhigeen sida qof lahaysta ah sidaasi awgeedna uu u bandhigayo umada Soomaaliyeed in ay ogaadaan dadka dhibka iyo dacaayada beenta ah la daba taagan.

Ugu danbeyntii Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub ayaa tix gabay ah oo uu tiriyay kaga hadlay dhibka uu qabo iyo sida uu uga cabanayo waxana tixdaasi kamid ah.

Gabay baan ku xaajoonayaa geydhadkaan qabo

Labo gacan hashuu I dheelmay bey aheyd geddeedi

Gacmaheyga labada ah ayaan geysba reer ahay

Garsooruhuse maxkamduu fadhiyay qeybe muu garane

Go’aan lagu deg degay baan arkay nabadgelyaan dooni

Guri yahow adaan kaa dhashay nabadgelyaan dooni

Geed yahow adaan kaa baxay nabadgelyaan dooni

Gurboodkeyga abti baan baryaa nabadgelyaan dooni

Naaskii godladay baan jiqee nabadgelyaan dooni

Gar cadaaday weyn baan ahaye nabadgelyaan dooni

http://www.murtimaal.com/?p=2999

Share this post

Link to post
Share on other sites

Abwaankuna wuxuu ka mid yahay abwaanada fara ku tiriska ah ee ka hadhay abwaanadii horee,kolay intaan ogahay kama uusan qayb qaadan dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay,garan maayo waxa lagu maagay!

balse hadii ay dhacday in la maago ma'aysan ahayn inuu yiraahdo abtiyow idaa waxa igala fiicnayd inuu yiraahdo abti nagu kala dar,mar haduu dagaalku afka yahay inuu cataabo maahayn qoor iyo xero

(Labo gacan hashuu I dheelmay bey aheyd geddeedi)

waa maah maah somaaliyeed,hal nin guran dheelmay dhana uma fiyooba waayo labada dhinacba usha wuu kala maraa

Share this post

Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this