Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sad day in Bosaso + Pics

Recommended Posts

Boosaaso (KON) - Maamulka Magalaada iyo Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland oo la hadleen Warbaahinta ayaa sheegay in ugu yaraan 7 Qof ay ku dhimatay Qaraxii Maanta ka dhacay Boosaaso, halka 30 kale ay ku dhaawacmeen.

 

Sidaan horey usoo Qornay, Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Hotel Caan ah oo ku Yaalla Magalaada waxaana geestay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qaraxa, inkastoo Warar aan wali la xaqiijin ay sheegayaan in Qaraxa uu geystay Nin watay Mooto.

 

Gaarigaan ayaa isku Qarxayiy Labo Gaari oo ay waten Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee Maamulka, Sarkaal ka tirsan Booliska Magaalada ayaa sheegay in Gaariga Qaraxa lala eegtay ay saarnaayeen Ciidamao ka tirsan kuwa SARACEN.

 

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland, Dr. Cabdullaahi Cali Warsame ayaa sheegay in ugu yaraan Toddobo Qof ay ku Geeriyoodeen Qaraxa, in ka badan 30 kalena dhaawac soo gaaray.

 

Wariyaal Madaxbanaan oo ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 Meyd laga qaaday Goobta oo ay ku jireen Ciidamo, waxaana warkaas Xaqiijiyay Isbitaalka guud ee Magaalada.

 

Wariye Cabdinuur ayaa Keydmedia Online u sheegay in Dadka ugu badan ee ku dhintay Qaraxaasi ay u badan yihiin Ciidamada Badda ee Maamulka.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Qaraxa kadib Ciidamada Badda ay fureen rasaas, dhaawaceenah Dad rayid ah.

 

Ciidamada Badda ee Puntland ayaa goobta qaraxu ka dhacay soo gaarey waxaana ay rideen rasaas aad u faro badan, waxaa istaagey ganacsigii iyada oo sida caadadu ahayd waqtiga duhurkii la xiri jirey inta badan Meheradaha Ganacsiga ee Bosaso ayaa waxaa maanta saameyn ku yeeshey qaraxan.

 

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa u dhow Suuqa ugu weyn Magaalada Boosaaso, waana Goobta ugu Mashquulka badan Magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this