Sign in to follow this  
Dr_Osman

The HAGS Are At It Again. Meddling Into Puntland's Election

Recommended Posts

Dr_Osman   

DF oo faragelin ku haysa doorashooyinka Puntland

1 Oct 1, 2013 - 6:27:10 AM

 

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdiqaadir oo ka mid ah xubnaha ugu miisaanka culus Villa Soomaaliya ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay todobaadkan magaaladda Minneapolis ee cariga Maraykanka halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay Soomaalida ku dhaqan.

 

Wuxuu kala hadlay Dadkii uu la kulmay Guulaha ay gaartay Dowladda Federaalku, Qorshayaasha ay damacsan yihiin iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in lala shaqeeeyo Dowladda.

 

Kulan gaar ah

 

Markii uu soo dhamaaday kulankii guud oo ka dhacay Hotel Doable Tree Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay xubno isugu jiray Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka soo jeeday Puntland isagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda ee lagu wado inay ka dhacaan Garoowe .

 

Sida uu Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey mid ka mid ah xubnihii ka qayb galay kulankaas Wasiir Faarax wuxuu codsaday in gacan lagu siiyo sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan la jaan qaadi karin Dowladda dhexe ee Muqdisho caqabadna ku ah wuxuu ugu yeeray soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed.

 

“Kulankaas aniga wa la igu casumay runtii dadka loo yeeray waxay ahaayeen dad xul ah oo gaaraya ilaa 20 qof Wasiirkuna wuxuu nagala hadlay doorashooyinka soo socda ee Puntland isaguu nagu booriyey in aanu ku taageerno dadaalada ay ugu jiraan sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadkii ka qayb galay kulankaas oo ka cudur daartay in la soo xigto magaciisa.

 

Wuxuu balan qaaday inay Taageero Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed u fidin doonaan siyaasiyiinta loolanka ugu jira doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 si ay u noqdaan kuwo awood u leh inay la tartamaan Xukuumada Madaxweyne Faroole oo iyadu dadaal ugu jirta sidii mar kale xafiiska loogu dooran lahaa.

 

“Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya waxaanuna jecelnahay in aanu la yeelano xiriir fiican laakiin Madaxweyne Faroole kama turjumayo taas runtiina wuxuu caqabad ku yahay soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed idinkana horumar idiin ma horseedi doono” Ayuu ku yiri Wasiir Faarax Xubnihii uu la kulmay .

 

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri “Anagu dan gaar ah kama lihin Puntland laakiin waxaanu doonaynaa inay halkaas ka dhalato Xukuumada xiriir iyo wadashaqayn fiican nala wadaagta oo wax ka bedesha hab dhaqanka Xukuumada hada jirta”

 

5 Aug, 2013 ayey Dowlada Puntland joojisay guud ahaan xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka kadib markii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ku guuldaraystay inuu dhowro Dastuurkii lagu heshiiyey Dalkana uu ku hogaamiyo wadiiqo toosan oo horseeda soo celinta Qaranimadii iyo Karaamadii umada Soomaaliyeed.

 

Wixii wakhtigaas ka danbeeyey Xukuumada Villa Soomaaliya waxay caadaysatay sidii ay u xagal daacin lahayd Horumarka iyo Deganaanshaha ka jira Puntland iyagoo qaar ka mid ah dhaqaalihii loo qorsheeyey dadka tabaalaysan u soo weeciyey dhanka Puntland si ay mucaarad xoogaan ugu abuuraan Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole).

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this