Sign in to follow this  
MoonLight1

Puntland tv oo caawa hawada soo galay.

Recommended Posts

Garoowe: (pp)-

 

Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin bulshada reer Puntland ugu direy tixaabadii kowaad ee Tv-ga Puntland oo lagu guuleystey in hawada si toos ah caawa looga daawado markii ugu horeysay muddo 15 sano oo ay Puntland jirsatey.

 

Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland Abshir Abdulaahi oo wareysi Shabakada Puntlandpost.com la yeelatey ayaa sheegey isagoo ku hadlaya magaca Shaqaalaha iyo Xafiiska Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland inuu ku faraxsan yahay TV-ga oo dhawaan barnaamijyadiisa iyo Wararkiisu bilaaman doonaan in si toos ah caawa markii ugu horeysay 15 sano oo Puntland jirsatey Tv ay leedahay laga daawado meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda.

 

“Dad badan oo ku faraxsan kusoo biiritaanka hawada ee TV-ga Puntland leedahay ayaa naga soo wacay meelo kala duwan iyaga oo noo sheegey inay daawanayaan islamarkaana muuqaalka Tv-ga lagu arki karo uu yahay mid aad u sareeya”Ayuu yiri Abshir Abdulahi Mohamed.

 

TV-ga Puntland oo dhalooyinka dad badani ka daawanayaan caawa ayaa waxaa magaca uu sito ee shaashada u saaran uu yahay magaca Puntlandtv iyadoona astaanka lagu yaqaan calanka Puntland ay calaamad u tahay Tv-ga waxaana la filayaa in dhameystirka howshiisa Tv-gu oo ah bilaabitaanka baahinta barnaamijyada iyo wararkii ka bixi lahaa dhawaan dadweynaha ay soo gaari doonaan sida uu noo xaqiijiyey Mudane Abshir.

 

Tijaabada TV-ga Puntland ee hawada ku jira waa:Thicom 3640 FR:28066 SIZE 3/4 Herizental, waxaana tijaabada Tv-ga laga soo baahinayaa London, iyadoona xarunta dhexe oo ah halka shaqaalaha iyo maamulku ka howl galayaan ay noqon doonto magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland.

 

Horey waxaa hawada ugu jirtey Idaacada Dowlada Puntland oo labadii todobaad ee lasoo dhaafey baahineysay barnaamijyo iyo warar , iyadoona idaacada hadda shaqeysa oo ah midda la yiraahdo short wave-ka si toos ah looga dhageystaa Mowjadaha SW1-ka iyo SW2, iyadoona laga maqlo sida uu maamulka Warbaahintu noo xaqiijiyey Frequencyaha kala ah 13.800 Magaheyrtis ama 24.5 Mitir band oo Maalintii laga dhageysto iyo 160.6 magahayrtis ama 49 Mitir band oo habeenkii ah.

 

puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this