Sign in to follow this  
Daqane

Ciidamo taageersan dowladda iyo Ciidamo ka tirsan Raaskambooni oo dagaal culus ku dhex maray jhoose

Recommended Posts

Daqane   

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo taageersan dowladda iyo ciidamada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo ciidamada Kenya ay dagaalka uga qeyb qaateen madaafiicda.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 14-ruux oo labada dhinac ah, halka labo gaari dagaal lagu gubay, iyadoo dagaalka uu muddo saacado qaatay oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada Raaskambooni ee Axmed Madoobe oo ka ambabaxay deegaanka kuna sii jeeday Kismaayo ay jidka u galeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku hayaan arrimo la xiriira mushaaraadka, iyadoo ciidamada raaskambooni ay si joogto u helaan mushaarka, halka ciidamada kale ee dowladda aanay wax mushaar ah qaadin.

 

Ciidamada Kenya ayaa horay uga diiday Ciidamada raaskambooni inay ka ambabaxaan deegaanka Hoosingow oo ay aadaan Kismaayo, hase ahaatee ka diiday.

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Khaliif Maxamed Xaaji Xasan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, isagoo ka digay in dagaalka uu sababo xaalad bani'aadanimo.

 

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa uguna qasaaraha badnaa oo ka dhacay deegaanka, waxaana uu sii xoojinayaa xiisada ka taagan deegaanada Jubooyinka.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this