Sign in to follow this  
Daqane

Ciidamo gadooday oo muddo kooban xiray qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Daqane   

Ciidamo gadoodsan ayaa maanta muddo kooban xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo ku xareysnaa warshadii hore ee Hilibka Kismaayo ay xireen wadada isgoyska Somalistar iyagoo amar ku bixiyey in la xiro goobaha ganacsiga, waxaana dib loo celinayey gaadiidka.

 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii ciidamadan ay wadada u xirneyd ku dhowaad hal saac uu halkaas ugu yimid Jen. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland garabka Axmed Madoobe.

 

Ciidamada ayaa lagu qanciyey iney wadada furaan, lana wada hadlo, waxaana warshadii hilibka ka socda kulan dhexmaraya Jen. Fartaag iyo saraakiisha gadooday ee halkaas ku xareysnaa, illaa hadda ma cadda waxyaabaha keenay gadoodkaas.

 

Ganacsiga wadada Somalistar iyo socodka gaadiidka ayaa caadi ku soo laabtay ka dib markii ka tageen ciidamadii saaka xiray.

 

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen guri uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidamo taabacsan dowlada oo ku sugan Kismaayo, hase ahaatee ilaalada sarkaalka ayaa iska caabin sameeyey, faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay hase ahaatee waxaa jirta xiisad u dhexeysa labada dhinac sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this