Sign in to follow this  
Daqane

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in la dhameystiray qorshayaashii lagu weerari lahaa Baraawe

Recommended Posts

Daqane   

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in la dhameystiray qorshayaashii lagu weerari lahaa deegaanada gobolkaas ay kaga sugan yihiin Xarakada Shabaab.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dhowaan ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe.

 

"Baraawe ayaa kulaaleynaa mar dhow, saraakiishii waa diyaariyeen qidadii dagaalka, taangiyadii iyo hubkii kuli waa la diyaariyay"ayuu yiri C/qaadir Siidii.

 

Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka kala soda Brundi iyo Uganda ay u diyaarsan yihiin sidii Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ka harsan Gobolka sida uu yiri.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo ka mid ah ah Gobolka, waxaana la arkayay gawaarida gaashaaman iyo dabaabadaha oo ka baxayay Muqdisho, kuwaasoo ku sii jeeday deegaanada.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa lagala wareegay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, sida xarunta gobolka ee Marka, Afgooye. iyo deegaano iyo tuulooyin kale.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this