Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice President Abduraxmaan Seylici arrives in the United Kingdom

Recommended Posts

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Magaladda London Ee Dalka Ingiriiska

 

London(Ramaas) May 16, 2013 Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee caasiamda wadanka Britian, waxaana weftiga uu madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo si balaadhan u soo dahweeyay jaaliyada Somaliland eek u dhaqan magaalda London.

 

Madawxeyne ku-xigeenka Somaliland Md Saylici oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warmay u jeedada socdaalkooda waxaanu sheegay inuu kala qayb geli jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska dabaal dega xuska sanad guurada 22-aad ee 18 May.

 

Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan u imid halkan (London) in aan kala qayb galo jaaliyada Somaliland UK oo ah jaaliyada ugu badan xuska sanad guurada 22-aad 18 May, waxaanu halkan joogi doona muddo laba todobaad ah”.

 

Madawxeyne ku-xigeenka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay xidhiidh qoto dheer la leedahay dawlada Ingiriiska isla markaana ay suurtagal tahay in ay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta dawlada Ingiriiska.

 

Weftiga uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed , Xildhibaan C/laahi Xuseen (Balaaki), Maxamed Kaahin Axmed, Amaal X. Miisaan iyo Marwada Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Weftigan uu hogaaminayo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland ayaa qayb ka ah wufuud ay xukuumada Somaliland u kala dirtay daafaha dunida si ay ugala qayb galaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada aduunka sida USA, UK, Bilgimka iyo Holanad, iyada oo munaasibada xuska sanad guurada 22-aad ee 18 May oo sanad ay xukuumadu shaacisay in si wayn looga xusi doono dalka iyo dabadba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this