Sign in to follow this  
Siyaasi

Al Qaeda confirms Al-Amriki is dead.

Recommended Posts

Siyaasi   

http://www.alwatanvoice.com/arabic/news/2013/05/10/391778.html

 

Urur-weynaha Al-Qaacida oo xaqiijiyey in la dilay Abuu Mansuur Al-Amriiki

Khilaafaadka hareeyay Xarakada Al-Shabaab ee Somalia ay sababtay in la dilo Abuu casaam Al-amriki oo ku jiray liiska shaqsiyaadka loogu doon doonista badan yahay caalamka dhowaana FBI-da Maraykanka ay madaxiisa dul dhigtay malaayiin dollar sida laga soo xigtay saraakiil ku dhow Ururka Al-Qaaceda oo la hadlay jariidada Dunya Al-wadan ee ka soo baxda magaalada Ramalah ee dhulka Falastiin.

 

“Cumar shafiiq Xamaami ayaa lagu dilay shirqool weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen dagaalamayaal ka amar qaata amiirka Xarakada Al-shabaab, weerarkaasi oo ka dhacay goob u dhaw degaanka Raama-cadey oo koonfurta Somalia duhurnimadii maalintii talaadada oo bishu ku beegneyd 7-da May ee sanadkan 2013-ka” ayuu intaa ku daray wargeyska.

 

Wargeyska Dunya Alwadan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay:

 

“Saraakiisha Al-qaacida ayaa sheegay in dagaal culus uu dhacay kadib markii la dilay Al-Amriki kaasoo dhexmaray mujaahidiin wata Jinsiyadaha Maraykanka yurub iyo Soomaaliya iyo kuwo hoostaga Amiirka Xarakada Al-Shabaab ee taabacsan, waxaana dagaalkaasi lagu dilay in toban dagaalyahan oo ka amar qaata Amiirka Al-shabaab”

 

 

Wargeyska ayaa sheegay in fatwo ay dhowaan soo saareen masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay ku sheegeen inuu xaaraam yahay dhiiga Abuu Mansuur Al-Amriiki oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeyey hogaamiyaha Al-shabaab.

 

 

Jariidada Dunya Alwadan ayaa mar kale tiri:

 

Saraakiisha Al-Qaacida waxay sheegeen inuu weli jiro khilaaf u dhexeeya Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur iyo hogaamiyaha Al-shabaab Mukhtar Abuu Subey, khiilaafkaasina uu yimid markii in la isku afgaran la yahay sida loo fasirayo Shareecada Islaamka iyo dagaalka ka dhan ka ah dowlada Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye”.

Jariidada ayaa sheegtay in Al-Amriiki uu kal hore qoraalo cabasho ah u diray hogaamiyaha Al-Qaaceda Dr. Ayman Dawaahiri kuwaasoo uu ugu sheegayo in hogaamiyaha Al-shabaab uu ka xad gudbay Siyaasada Xarakada uuna wiiqayo dagaalka ay jiraan, sidoo kalen jariidada ayaa sheegtay in Al-Amriiki uu dhowr mar ka badbaaday isku day dil, uuna baraha internetka soo dhigay fariimo uu ku sheegayo in naftiisa ay halis ku jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Siyaasi   

Dahir Aways, Roobow, Alidheere vs Godane, Afgani, Shongole this must be a match between North vs South.

 

534321_440739105964168_695326869_n.jpg

 

History repeats it self

Share this post


Link to post
Share on other sites

Advantages

 

Abu mansuur,Daahir aweys,Ali dheere: Geophraphical advantage as they are the locals

 

Amiir Godane: Financially, huge support by the Muhaajireen's ,although most left to Yemen and Syria..

 

Let the showdown begin :D!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this