Sign in to follow this  
Daqane

The real problem with Somalia and Somali mentality

Recommended Posts

Daqane   

Farriin qaran: -Xal ha loo helo fatahaadda ficileysan!

 

Dalku waa wada madaxweyneyaal iyaga keligood is caleema saaray!. Dalku waa wada dowlad goboleed dustuur iyo calan goonni ah leh!. Dalku waa wada dekedo iyo garoomo diyaaradeed caalami lagu sheego!. Dalku waa wada jaamacado loo abuuray hinaase iyo ficiltan qabyaaladeed!. Dadku waa wada PhD, barfasoor iyo datoor aan aqoonsigooda la hubin!. Dadku waa wada dhaqaatiir iyo kaaliyayaal ay daweyntoodu shaki leedahay!. Ciidanku waa wada derejo marshaal, jeneraal iyo korneyl miiran xanbaarsan!. Dadku waa reer magaal wada ilbax ah oo aan badow iyo galti macruuf lagu arag!.

 

Mas’uul sare iyo mid hoosow, madax iyo majo aan kala maarminow, waxaan farta idiinkugu fiiqayaa amaba ay farriinteydu idiin soo tabineysaa qiima kororka siyaasadeed iyo sicir Bararka isdaba joogga ah ee sida daadkii meel walba uga soo fatahaya, taasoo u baahan wax ka qabad xakameysan iyo xeerar leysku raacsan yahay oo dib u soo celiya waddadii saxda aheyd iyo addimadii tiirka u ahaa ee uu qaranku isku taagi lahaa!.

 

Fatahaadda sheegashada magaca madaxweyne:-

 

Mudanayaal sida aad ka war qabtaanba, waxaa meel walba ka soo yeereysa sheegashada magaca madaxweyne, kaasoo mudnaa in la dhowro maqaamkiisa qarameed, waayo waa astaan qaran oo matala dhammaanba jiritaanka magaca ummadda soomaaliyeed, laakin hadda waxaad moodda inuu sicir barar ku dhacay, sababata oo ah waxaa jira ugu yaraan 40 madaxweyne oo intooda badan ah rag qurbaha ku soo raagay, kuwaasi oo uu mid waliba sameystay calan iyo dustuur beeshiisa ka turjuma, taana waa dib u dhac keeni kara khilaaf iyo qaran jab hor leh, waxaase lagaga gudbi karaa sida aan qabo “xal dowladeed xurmeysan iyo xaq dhowr bulsho oo is waafaqa”.

 

Fatahaadda sheegashada darajada ciidamada:-

 

 

 

Tuba tukalaa ka sii darane, dhammaan ciidamadii qaranka soomaaliyeed nuucii ay doonaanba ha ahaadeene maanta waxey isugu soo wada urureen jeneraal iyo korneel miiran, waxaana meesha ka baxay dableydii, alifleydii, xariglayaashii ilaa kabtan laga gaaro is daba tixnaan jiray, waxaadna moodda ciidanka iyo saraakiishiisa in ay isla egyihiin, maxaa yeelay gobol kasta isaga ayaa dallacsiinta ciidankiisa bixiya oo darajada ku tixa, si aysan reer hebel uga saraakiil badinin, taasoo iyana rabta caqli wax kala miira oo damiir iyo danqasho soomaaliyeed leh, si uusan u lumin xaqa askariga iyo sarkaalka saxda ah ee darajada ciidanka aan daaqadda laga siinin!.

 

Fatahaadda Garoomada diyaaradaha iyo dekadaha:-

 

 

 

Garoomada diyaaradaha iyo dekaduhuba, waxey ka sii abuurmayaan weli gobol walba iyo tuulo kasta iyaga oo loo dhisayo hinaase iyo ficiltan qabiil darteed, waxaadna 50Km aad ka heleysaa garoon diyaaradeed lagu magacaabay geesiga reer hebel iyo dekedo xeebaha oo dhan daadsan, taana waxey halis ku tahay amniga iyo nabad gelyada dalka maxaa yeelay, waxey fududeyneysaa soo gelitaanka sharci la’aanta ah ee ku soo xad gudbaya dhul weynaha soomaaliyeed ee berri iyo biyaba leh, waaxaana koontaroolka uu ka lumayaa oo aan ciidan ilaaliya loo heleynin is dhaafsiga nuucyada maan dooriyayaasha ah, hubka suuqa madow, iyo wax walba oo dowladda laga la dhuumanayo khatarna ku ah jiritaanka dowladnimo, sababtoo ah waaxda socdaal iyo jinsiyadaha iyo kastamadaba maaha mid ay maaro u heli karaan, haddii aan si guud oo waddaniyad leh loogu guntan xakameynta fatahaadda nuucan ah!.

 

Fatahaadda waxbarashada:-

 

 

 

Dhinac kale haddii aan ka eego qaabkii waxbarashada dalka oo dhan ayuu sicir bararku saameeyay, sababta oo ah qof kasta oo afar qol oo bannaan heli karayba, wuxuu ku magaacabay iskuul ilaa heer jaamacadeed ah oo aan manhaj mideysan laheyn, isaga oo ka shidaal qaadanaya ficiltanka beeshiisa, isla markaana leh “ reer hebelba jaamacad bey furteene annaga maxaa noo diidaya?”.

 

 

 

Daadka waxbarasho waxuu gaarsiisan yahay meel halis ah oo fara ka bax ah waxaana weheliya shahaadooyinka jaamacadaha aan soo sheegay oo suuqa looga iibinayo qof aan weligiiba nasiib u helin inuu macallin soo hor istaago, gaar ahaan qaar ka mid ah inta siyaasadda hor boodda ee dhaqaalaha heysata, maxaa yeelay iyaga oo gurigooda jooga ayey jaamacadda ka diiwaan gashan yihiin, iyaga oo aqlkooda jooga ayaa imtixaankii loo galayaa, iyaga oo xafiiskooda fadhiya ayaana shahaadada la guddoonsiinayaa, sidoo kale waxaa sanadkiiba soo qalin jabisa arday kumayaal kor u dhaafeysa, taasoo xad ka bax ku ah tayeynta waxbarashada iyo doorkii xirfadeed ee dalka lagu dhisi lahaa, maxaa yeelay ardaydu, waxey soo wada bartaan Computers iyo dhaqaale kaliya, taasoo muujineysa iney dhammaantood wada rabaan in ay xafiisyada un ka shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Barfasoor iyo datoor

 

 

 

Haddaad wada doorataan

 

 

 

Dowlad wada karaani ah

 

 

 

Dunidaba ma joogtee

 

 

 

Dadka yaa hagi doona

 

 

 

Dalka yaydiin dhisaaya?.

 

Fatahaadda sheegashada dhaqtarnimo.

 

 

 

Dhaqtarnimadu ma sahlana oo waa howl barasho u baahan, laakin hadda waxaad moodda in ay jiraan rag hawada ka bowsaday, maxaa yeelay nin walba oo wax duri kara amaba wax dhayi kara, wuxuu sheeganaya darajada dhaqtarnimo, iyada oo aanay jirin cid ku la xisaabtameysa gabbood falka uu sameynayo, xataa waxaa suura gal ah inuu sameeyo qalliin bowsi ah iyo leylin lagu kor sameynayo qof nool oo ku soo eegaya, kaasoo haddii uu dhinto aan laga wada hadleyn illeyn waa dhaqtarkii reer hebele, sidoo kale meel walba isbitaal iyo farmashiye baa ku yaal aan la garaneyn cidda iska leh iyo dhaqaatiirta ka howl gasha in yar oo fara ku tiris ah mooyaane!.

 

 

 

Daawada nuuc walba ayaa qofka loo qoraa oo rag baaba sidii raashinkii oo kale uga ganacsada qeybaha daawada bukaankuna wuxuu ku qanacsan yahay wax walba oo wata magaca “daawo” taasoo naftiisa dareensiineysa nasiino dhanka maskaxda ah, waxeyse mararka qaarkood keenta masiibo isu rogta cudur cudur la kor saaray, xaalkuna hadda wuxuuba marayaa “ in nin bukaan ah oo ka cabanaya malaariyo ama kaneeco, in la siiyo dawada haweenka foolanaya” taasoo ay keentay aqoonta daawada loo leeyahay oo aad u yar, haddaba farriintu waxey noqoneysaa “ inta aysan wax dhicin ka hor dhaqtarka iyo dhib keenaha aan kala garanno!”.

 

 

 

Aan soo geba gebeeyee, inta aan farta ku soo fiiqay ee xilligan la maareyn kari la’yahay xalkoodana aan laga maarmin xildhibaanow waa culeys ku saaran ee gudo waajibkaaga hana noqnin mid had iyo jeer u taagnaada is xag xagasho iyo qalalaase natiijo la’aaneed.

 

 

 

Mudane madaxweyne dhibta aan soo sheegaye aan laga indha qabsan karin ka tala bixinteeda iyo maareynteedaba iyo siyaasad ahaan sidii loo fur furi lahaa dunta miliqday waa howl qaran oo aad u soo dhaaratay xil gudashadeedana lagaa wada sugayo.

 

 

 

Mudane ra’iisul wasaare adiga iyo xukuumaddaadaba inta aan farta ku fiiqay ee ay farriinteydu idiin tilmaantay u howl galkeeda iyo agaasinkeeda guud inaad ka talo keentaan ayaa leydin kaga fadhiyaa ee ha noqonina kuwo dhibbanaha oo soo jeeda hurdo ay ka soo dhacdo!, waa iga dardaarane inta aysan faraha ka sii bixin xal iyo tanaasul ha loo helo fatahaadda ficileysan. ( Farriin qaran nin u qalmaa qaata).

 

 

 

Nin lagu seexdow ha seexan

 

 

 

Xil baad siddaaye ha seexan

 

 

 

Soo jeedoo si weyn u feejignow.

 

 

 

 

 

 

 

Bashiir Cali Xuseen.

 

 

 

Barbaariye@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this