Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe - Fishery Market Opens. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garoowe: Suuq kalluunka Garoowe oo maanta Jariga laga jarey iyo warshado keydka kalluunka oo la dhisey,Sawiro.

April 22, 2013 7:33 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Garoowe: (pp)- Suuqa kalluunka Magaalada Garowe ayaa maanta xariga laga jarey,kaasi oo ay xariga ka jareen u qeyb-samaha gargaarka bini,aadanimo ee Somalia Philippe Lazzarini iyo Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland Eng Maxamed Faarax.

 

Munaasabad loo sameeyey suuqan cusub ee kalluunka lagu gadayo ayaa waxaa kasoo qeyb galey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, Maamulka D/hoose Garoowe, Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Xubno kale oo matalayey deeq bixiyaal qeyb ka qaatey dhismaha mashaariic ka socota Puntland.

 

Suuqan maanta xariga laga jarey ayaa dhismihiisu uu socdey muddo ku dhow hal sano, wuxuuna qeyb ka yahay mashaariic ay dowlada Puntland ku tilmaamtey abuurista iyo kobcinta dhaqaalaha,iyada oo laga faa,iideysanayo kheyraadka wadanka.

 

Qeybaha uu ka kooban yahay suuqan cusub ayaa waxay kala yihiin Mashiino casriya oo ah kuwa barafka dhaliya ,labo talaagadood oo kuwa keydka kalluunka loo isticmaalo midiina ay qaado shan tan oo kalluun ah.

 

Sidoo kale suuqa qeybihiisa waxaa ka mid ah miisas loogu talo galey kuwa ganacsatadu ku iibsan lahayd kalluunka, saddex xafiis oo suuqu leeyahay,Kuwaas oo xafiisyo ka furanayaan Wasaarada Kaluumeysiga , Dowlada Hoose Garowe iyo Xafiiska shirkada ku guuleystay tartan ka dib maamulida iyo ilaalinta suuqa iyo hool baaxad weyn oo kalluunka lagu iibin doono.

 

Agaasimaha waaxda masharicda iyo tababarada Wasarada Kalumeysiga Puntland Faysan Faarax Cali (Faysal Dhukane) ayaa sheegey in suuqaan ay ka faa,iideysan doonaan ganacsatada danta yartaa sida dhalinyarada, haweenka iyo IDP-ga .

 

Shirkada Maamuleysa Suuqa ayaa iyadu shaqadeedu noqon doontaa mid kalluunka kasoo qaada xeebaha Puntland, kuna wareejin doonta dadka ku ganacsanaya suuqa,waxaana sidaas ku dhex maraya kala faa,iideysi u dhexeeya shirkada iyo ganacsatada danyartaa.

 

Suuqan noociisa oo noqonaya midkii ugu horeeyey oo laga fuliyo Puntland ayaa waxaa uu horudhac u yahay suuq-yo kale oo dhawaan lagu wado in laga hirgaliyo Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo , Sidoo kale mashruuca ka faa,iideysiga ganacsiga kalluunka ayaa waxa qeyb ka ah dhismaha dekad yar oo bosaso laga hirgalin doono, looguna tala-galey inay kusoo xirtaan doon-yaha kalluunka ka shaqeeya.

 

Dhanka kale waxaa dhawaan laga hirgaliyey degmooyin badan oo ku yaal xeebaha Puntland warshado loogu talo galey in loo isticmaalo keydka kalluunka suuq-yada loo iib-geynayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin meelaha ilaa iyo hadda laga dhisey Xaafuun, Beyla, Garacad, Xaabo, Halka dhismaha warshadahan sidoo kale ay ka socdaan Eyl,Tooxin iyo Urdiyo oo dhamaantood ka tirsan Puntland.

 

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

 

Daawo Sawiro Dheeraad ah oo Suuqa Kalluunka ku saabsan

 

Wasiirka-iyo-U-Qeybsamaha-oo-xariga-ka-j

Mashiinada-iyo-Talaagadaha-450x342.jpg

Gudaha-Suuqa-450x342.jpg

Mashiinada-Barafka-Dhaliya-450x342.jpg

Talaagadaha-Keydka-Kaluunka-loo-isticmaa

Qalabka-450x342.jpg

Hoolka-Suuqa-450x342.jpg

Gudaha-Suuqa-Goobta-kaluunka-lagu-iibin-

Wasiirka-kaluumeysiga-450x342.jpg

U-Qeybsamaha-gargaar-Somalia-QM-450x342.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This thread is for all the JBS, Xajis, Carafaats, Burahadeer of the world. You dont like Puntland that is obvious but you cant stop it. Just leave Puntland alone if you don't like it. You don't see me wasting my time on Mogadishu and Somaliland all day because I don't care. I am focussed on my region and my development

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Jacaylbaro you want a some tuna or salmon with that sir. WLC to Garowe are you a resident, citizen or a refugee of the Capital of Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this