Sign in to follow this  
Somalia

Professor Jawaari returns from Norway fact finding mission

Recommended Posts

Somalia   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Norway ayaa saakay dib ugusoo laabtay dalka ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha ka warbixiyey safarkiisa.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha abaare Sideedii Subaxnimo waxaana garoonka kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markii uu kusoo laabtay dalka kadib shirjaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyey safarkiisii shaqo iyo waxyaabihii usoo qabsoomay waxaana uu tilmaamayin wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku tageen magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Norway islamarkaana mudadii halkaasi uu joogay kulammo kala gedisay lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.

 

Audio: http://cdn3.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/04/Codka-Gudoomiyaha-Ee-Faah-Faahinta-Safarka.mp3

 

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markii uu kusoo laabtay dalka kadib shirjaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyey safarkiisii shaqo iyo waxyaabihii usoo qabsoomay waxaana uu tilmaamayin wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku tageen magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Norway islamarkaana mudadii halkaasi uu joogay kulammo kala gedisay lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.

 

Gudoomiye-Jawaari-Soo-Laabasho-Muqdisho-

Gudoomiye-Jawaari-Soo-Laabasho-Muqdisho-

Gudoomiye-Jawaari-Soo-Laabasho-Muqdisho-

Gudoomiye-Jawaari-Soo-Laabasho-Muqdisho-

Gudoomiye-Jawaari-Soo-Laabasho-Muqdisho-

 

“safarka aan ku aaday Norway waxa aan aheyn wafdi ballaaran oo waxaa i wehliyey gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah oo ilaa hada halkaasi shaqo ugu maqan, ujeedaduna waxey aheyd inaan mataaneyno baarlamaannada Soomaaliya iyo Norway si aan u yeelanno wada shaqeyn joogta ah islamarkaana aan qibradaha isdhaafsano oo aan ka kororsano

waxa ay na dheeryihiin”ayuu ku bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shirkiisa Jaraa’id.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhammaanba qodobadii ay ka wada hadleen madaxda Dowladda Norway la isku afgartay islamarkaana ay kulammadiisa kusoo dhamaadeen guullo la taaban karo islamarkaana qodobada natiijada ah la horkeeni doono Baarlamaanka .

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in madaxda dowladda Norway uu kalasoo hadlay dhibaatooyin ay cabashooyinkooda usoo gudbiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed dhibaatooyinkaasi oo ay ka mid ahaayeen waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool Yurub oo carruurtooda laga qaato iyo mararka qaar sugnaanshaha dhalashadooda oo muran la geliyo taasina Madaxdii uu kala hadlay ay is afgarad buuxa ka gaareen, dhowaanna Xukuumadda loo gudbin doono.

 

—DHAMAAD—

 

Horseed Media 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this