Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda Soomaaliya oo iclaamisay shirweyne qaran

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya ayaa qaban qaabineysa shirweyne qaran oo looga tashanayo dib u habeynta Dastuurka, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 11-kii bishan Febraayo.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkan uu qabsoomi doono 1-da April ilaa 5-ta April, kaasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Shirkan oo lagu casuumay qeybaha kala duwan ee garsoorka, qubaro, aqoonyahano, hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka maxkamada, khubaro caalami ah, Ururka qareenada iyo sharci yaqaanada iyo hey’adaha ammaanka.

 

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-

 

Faaqidaada Caqabadaha hortaagan Garsoorka;

Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka, soo celinta kala denbeynta iyo u hogaansiga sharciga;

Talo ka bixin Qorshe/Siyaasad Qaran oo hagta Hay’adaha Cadaalada;

Xiriirka ka dhaxeeya Hay’adaha Garsoorka iyo Dastuurka Cusub iwm.

 

Shirkan ayaa mudada uu soconayo la filayaa inay ka soo baxaan talooyin ku saabsan garsoorka iyo sidii hey’adaha garsoorka iyo cadaalada dib u habeyn lagu sameyn lahaa, iyadoo qorshahan uu horboodayo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay xoojiso Hey’adaheeda Garsoorka, iyadoo dhowaan ay aheyd markii Maxkamadaha dowladda ay kala rideen xukuno kala duwan oo ahaa kuwo iska soo horjeeday, gaar ahaan xukunkii ku dhacay Wariye C/casiis Koronto iyo gabar la kufsaday, taasoo aheyd eedeymihii ugu ballaarnaa ee loo soo jeediyay hey’adaha garsoorka.

 

Arimaha Shirka: Wixii faah faahin ah kala xiriir:

 

Hussein Qasim Yusuf (Ku – xigeenka Agaasimaha guud ee madxatooyada) ama Abdulwahid Qalinle (La taliyaha Sharciga)

hyusuf@presidency.gov.so

somalijusticeconference@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this