Sign in to follow this  
walaalkis

Taliyaha Ciidamada Kenya: Qorshaha Maamul Dhisida Jubbaland Kenya Shaqo Kuma Leh, Balse IGAD ayaa Wa

Recommended Posts

KISMAAYO (RBC) Taliyaha ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya Gen Antoni Ngere oo magaalada Kismaayo kula hadlay Shabakadda Raxanreeb ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya iyo ciidamadeeda jooga Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo shirka ka furmay Kismaayo isagoo sheegay in Urur Goboledka IGAD ay ka dambeeyaan hindisaha maamul dhisida gobollada Jubbooyinka.

 

Waxaan weydiinay muxuu yahay kaalinta dawlada Kenya iyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin shirka maamulka loogu dhisayo deegaanada Jubboooyinka ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo?

 

Taliyuhu wuxuu ku jawaabay “Kenya wax ka galay ma jiraan waxa ka socda Jubbaland iyo Jubbooyinka. Kenya waxba kuma qasbi karto dadka Soomaaliya. Qorshahaasi [maamulka Jubbooyinka] oo aan anigu aaminsanahay inay ku fiican tahay inuu ka hadlo qof iiga xog ogaalsan [iiga fiican] waa qorshe bilawday mudo hadda sanad laga joogo ka hor, illaa markaasina wuu socday, mana ahan qorshe iyo hal abuur ay Kenya wadato, balse waa qorshe ay IGAD wadato. AMISOM ahaan wixii taageeraya xasiloonida haday tahay siyaasad ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan waan taageereynaa waayo waajibkeena ugu weyn waa inaan amniga iyo xasiloonida xaqiijino”. ayuu yiri taliyaha ciidamada Kenya Gen Antoni Ngere.

 

Wuxuu intaa ku daray “Sidaas darteed arrintan waxaa ku haboon inuu ka hadlo qof iiga khibrad badan waayo waa arrin siyaasad ku saabsan.”

 

Taliyaha ciidamada Kenya wuxuu walaac ka muujiyey kala duwanaanshaha ciidamada iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ku wada sugan Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo dagaal uu toddobaadkan bilawgiisii ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka wada tirsan kuwa dawlada taabacsan.

 

 

“Xulufadeena ciidamada waxay ka kooban yihiin labo “kooxood”. Kooxda koowaad waa kuwo loo yaqaano ciidamada dawlada Soomaaliya SNA “Somali National Army”. Waxaa jira koox kale oo ah kuwo loogu yeero Raskambooni. Waa kuwaas kuwo xulufadeena ah ee aan la hawlgaleynay tan iyo bilawgii markii aanu bilawnay hawlgalka.” ayuu yiri Gen Ngere oo taliska ciidamada Kenya ee Kismaayo dhexdiisa kula hadlay Raxanreeb.

 

Wuu sii hadlay sarkaalkaasi isagoo fasiraad ka bixinaya dhibaatada ay ku qabaan kala duwanaanshaha ciidamada ee ka jirta magaalada Kismaayo.

 

“Markii aanu halkan [Kismaayo] way kala duwaanaayeen, waxay ahaayeen unugyo ciidamo ah oo kala duwan. Laakiin hadda oo aan joogno waxaanu ku talineynaa halkii aan laga maamuli lahaa labo ciidan oo kala duwan inay haboon tahay inay isku biiraan oo ay wada noqdaan CIIDAMADA DAWLADA, laakiin taasi lafteeda “hal habeen kuma iman karto“. Waa hawl socod dheer oo u baahan waqti. Sidoo kale in ciidamada la isku daro iyaga laftooda waa inay aqbalaan, laakiin taasi annaga waan soo jeedinay halkii aanu kala macaamili lahayn labo ciidan oo kala duwan.” ayuu sii raaciyey.

 

 

 

 

“Waxaan rabaa inaan xoogaa sharaxaad ah ka bixino sidii ay u dhacday dhacdadii maalintii Sabtida. Maalintii Jimcaha ee ka horreysay, sidaan sheegay waxaan fulinay hawlgal waxaanu ku soo qabanay tiro dad ah oo laga shakiyey, waadna og tahay sida loola dhaqmo dadka laga shakiyo ee la soo xiro. Dadkaas laga shakiyo sida caadiga ah waxaa loo qaadaa saldhiga, booliska, haalkaasi ayaa lagu weydiiyaa su’aalo, markaa ayaa kuwa laga shakiyana tallaabo laga qaadaa kuwa waxlagu waayana waa la siidaayaa. Markii aan dhameynay hawlgalkii [Jimcaha] Sabtidii ku xigtay saraakiisha maamulka ciidamada xulufadeena waxay noo sheegeen inay soo gabagabeynayaan kala saarista dadkii lagu soo qabqabtay hawlgalkii Jimcaha.”

 

“Intii ay socotay hawsha baarista, waxaa nasiib darro ahayd in dadka la soo xiray ay qaarkood ka soo jeedaan QABIIL gaar ah oo aan rabin inaan hadda sheego, markaas qaar ka mid ah ciidamada oo QABIILKAAS ka soo jeeda oo rabay inay soo furtaan dadka qabiilkooda ka tirsan ee xiran ayaa weerar kedis ah ku soo qaaday saldhiga booliska. Ma ahayn weerar la qorsheeyay, mana ahayn tiro badan kaliya LIX ayay ahaayeen. Ma ahan wax aad ku fekeri karto in ciidamo ka wada tirsan hal meel ay iyaga dhexdooda isku jeestaan. Markii ay ciidankaasi weerareen saldhiga waxay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamadii ku sugnaa saldhiga, sidaas ayeyna rasaasta ku bilaabatay.” ayuu yiri taliyaha ciidamada Kenya.

 

Wuxuu sheegay in dagaalka ka dib ciidamada Kenya ay gaareen goobta dagaalka, xaaladuna ay qabowday. Wuxuu intaa ku daray in arrinta aysan faraha ka bixin oo ay si dhow ula socdeen.

.

 

 

waa wax lala yaabo. Maxaa IGAD uga galey waxaa jubooyinka ka dhaacayo bal ?

 

 

waxaan islaheen sheekadaan waxaa wato people of the jubbaland

 

walee somali wey hurdaan ilaah hurdada ka kiciyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this