Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Heavy fightings in the outskirts of Boosaaso reported

Recommended Posts

Faah faahi ayaa ka soo baxeysa dagaalo culus oo shalay ka dhacay deegaan ilaa 40-KM kaga beegan magaalada Boosaaso, halkaasoo ay isku fara saareen Ciidamada Puntland iyo Xoogaga Al-Shabaab ee saldhiga ku leh Buuraha Golis.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado dagaal oo la sheegay inay lahaayeen Shirkada SARACEN oo Puntland ka gacan siisa tababarka Ciidamada iyo la dagaalanka burcad badeedka.

 

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha rasmiga ee dagaalka ka dhashay, ayaa hadana waxay wararku sheegayaan in labada dhinac uu ka soo gaaray dagaalka dhimasho iyo dhaawac.

 

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiuis Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay duulaan ku soo aahaayeen deegaanada ay ku sugan yihiin, isla markaana qorshahooda ahaa inay soo weerareen, hase ahaatee ay ka hortageen.

 

"Mujaahidiinta waxay ku jebiyeen dagaalkaas cadawga oo watay 18-gaadiid, waxaa taageerayay diyaarado dagaal oo ay leedahay Shirkada SARACEN"ayuu yiri Abuu Muscab oo sheegay in deegaanka Ceelaayo uu dagaalka xoogiisa ka dhacay.

 

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalka, inkastoo saraakiisha hogaamineysa howl galka laga soo xigtay in tiro dagaalyahano ay ku dileen dagaalka, halka qaarna nolosha ku soo qabteen.

 

Xoogaga Al-Shabaab ayaa bishii la soo dhaafay weeraro ku qaaday fariisimo ciidamada Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso, waxaana Isniintii la soo dhaafay ay sheegteen weerar is qarxin ah uu ka bad baaday Taliye kuxigeenka Booliska Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this