Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking News: Al shabaab killed the French hostage Dennis Allex

Recommended Posts

Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay in ay ku toogteen xalay deegaanka Buulo Mareer Dennis Allex oo ahaa muwaadin u dhashay dalka faransiiska oo muddo ka badan saddex sano ah afduub u haysteen.

 

Barta Twitterka ay Alshabaab leedahay ayaa lagu sheegay in xalay 7:30 fiidnimo ay toogteen Allex oo hore ay u sheegeen inay dilayaan. Waxayna warbaahinta Alshabaab sheegtay inay soo bandhigi doonaan cadeymo ku saabsan dilka Allex.

 

Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaan soo bandhigin wax cadeymo ahoo ku saabsan dilka ninkan,waxaana dowlada Faransiisku ay hore u sheegeen in howlgalkii ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer ay ururka Alshabaab ku qaarijiyeen Dennis Allex oo ay ciidamada Komandooska Faransiiska doonayeen inay soo badbaadiyaan.

 

Ururka Alshabaab aya hore u soo bandhigay muuqaalka askari la sheegay in uu yahay Faransiis oo ka mid ahaa ciidamadii Faransiiska ahaa ee weeraray deegaanka Buulo Mareer.

 

Warsaxaafadeed ay dhowaan soo saareen ururka Alshabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in hore wadahadalo ay u dhex mareen dowlada Faransiiska iyadoo wadahadaladaana ay ahaayeenkuwo la doonayay in lagu sii daayo sarkaalkan ka tirsanaa dowlada faransiiska oo laga afduubtay hotel ku yaal magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this