Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia's Foreign Minister Tedros Adhanom Somalia's security is Ethiopia's Security

Recommended Posts

itoobiya 14 Janaayo, 2013, 19:15 GMT 22:15 SGA

 

13542138351a13ba_l.jpg

 

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Tedros Adhanom oo u warramaya weriyaha BBC Ruth Nesoba

Dalka Itoobiya, waxaa laga joogaa hadda dhawr bilood markii uu xafiiska la wareegay Raiisul Wasaaraha cusub Hailemariam, kaddib geeridii Raiisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi bishii August 2012.

Wasiirkii hore ee caafimaadka, Dr Tedros Adhanom ayaa isna bishii November waxa uu qaatay jagadiisa cusub ee wasiirka arrimaha dibedda.

Isaga oo booqanaya dalkan Britain ayaa waxa uu u warramay BBC.

Waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu yiri "Itoobiya nabad ayay u baahan tahay. Nabad Soomaaliya ka dhacdana, Nabad ayay u tahay Itoobiya.

Dhibaatada gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaan u heysanaa inay tahay mid gudaha Itoobiya ah iyo mid dibedda ah labadaba, waxaan isku dayaynaa inaan wax ka qabann.

Horeyba waxaan heshiis ula gaarnay jabhadda ugu weyn ururka ONLF in aan wada hadalno si dhibaatada xal nabadgelyo loogu dhameeyo."

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya waxa uu sheegay in nabadda Soomaaliya waxa ay ka qabaneyso dhibaatada gudaha Itoobiya ay tahay wax yar, Laakiin arrinta muhiimadda koowaad leh waa siyaasadda gudaha oo ay tahay in arrintan lagu xaliyo.

Mar wax laga weydiiyay muslimiinta Itoobiya, waxa uu sheegay in aanu fileyn in la ilaaway, "dowladdeena iyo dastuurkeena diin kuma dhisna" ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay qaddariyaan kala duwanaanshaha dadka iyo diimaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this