Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ahlusunna Joins the Government

Recommended Posts

Ahlusunna oo Maanta shaacisay in Ciidamadooda ay ku biireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Sabti, December 01, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna waljamaaca oo dagaal kula jiray Al-shabaab ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaaciyay in ciidamadooda ay si rasmi ah ugu biireen kuwa dowladda Soomaaliya, kaddib shir jaraa'id oo ay ku qabteen mas'uuliyiinta ururka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusuna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamadooda ay hoos imaan doonaan wixii maanta ka dambeeya kuwa dowladda Soomaaliya, ayna la xuquuq yihiin.

 

"Hadii laga baxay ku-meel-gaarnimadii waa in qof walba uu xuquuqdiisa dowladda ka helaa, ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli uu ku sii jeeday degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

 

Go'aankan la isugu daray labada ciidan ayaa ka dhashay kulammo maalmahan uga socday Muqdisho mas'uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in labada ciidan ay isku mid noqdaan.

 

"Ahlusunna weligeed Al-shabaab ayay la dagaalamaysay, dowladduna dagaal ayay kula jirtay Al-shabaab; marka isku hadaf ayaan ahayn markii horeba, haddana waan mideynay hadafkeennaas," ayuu yiri Xeefoow.

 

Xoogagga Ahlusunna Waljameeca ayaa muddo shan sano ah waxay dagaal adag kula jirteen xoogagga Al-shabaab, iyagoo dagaalkooda uu ka billowday markii Al-shabaab ay isku dayday burburin qubuuraha culummo ay jecel yihiin Ahlusunna oo ku aasnaa degmooyinka gobolka Galguduud, taasoo ka careysiisay Ahlusunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this