Sign in to follow this  
Daqane

Midowga Yurub oo hadda ka dib dhaqaalaha uu ku deeqo toos ugu wareejinaya dowlada Somalia

Recommended Posts

Daqane   

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu wixii hadda ka dambeeya si toos ah ula macaamilayo, isla markaasna uu xariir toos ah ula yeelan doono dowladda Soomaaliya si ka duwan habkii hore uu ula xiriiri jiray, isla markaasna aysan cid kale u soo marsiindoonin gargaarka ay Soomaaliya siinayaan.

 

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in dhammaan howlqabadyada Midowga Yurub oo ay ku jiraan gargaarka, taageerada dhinaca siyaasadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, hadda ka dib ay si toos ah looga maamuli doono gudaha Soomaaliya maadaama dowlad rasmi ah la helay, isagoo sidoo kale sheegay in xariirkan tooska ah ay kala jeedaan sidii si gacan toos ah uga geysan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerana ay u siin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Wakiilku waxa uu sheegay insaraakiisha Midowga Yurub 30% ee ka howlgala Soomaaliya ay fadhiyadoodu noqon doonaan gudaha dalka Soomaaliya, taas oo sida uu sheegay qeyb ka ah dedaalka lagu taageerayo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in dhammaan dakhliga loogu talagalay Soomaaliya la marsiin doono Guddiga isku dhafka ah ee Maaraynta Maaliyadda si loo ogaado buu yiri dhaqaalaha ku baxa dhinacyada kala duwan ee xaga bini’adanimada.

 

Midowga Yurub ayaa ugu dambeyntii waxa uu balan-qaaday inay xoojindoonaan taageerida Soomaaliya iyo xakuumadda intuba ay siiyaan, waxayna sheegteen inay si gaar ah kaga taageeri doonto xakuumadda Soomaaliya, xagga caafimaadka, waxbarashada, xagga bini’adanimada, sidoo kale waxaa maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu booqosho ku soo gaaro madaxa Midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this