Sign in to follow this  
Daqane

Itoobiya oo sheegtay in IGAD aysan xaq u laheyn iney fara geliso maamul sameynta Jubooyinka

Recommended Posts

Daqane   

Safiirka dowlada Itoobiya u gadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Somalia danjire C/casiis Axmed Aadan ayaa soo dhoweeyey talaabadii uu Baarlamanka Somalia maalintii shalay ku ansixiyey xukuumada 10-ka wasiir ka kooban ee raisul wasaare Saacid uu soo dhisay.

 

 

Waxaa uu intaa ku daray safiirku in xubaha golaha cusub ee wasiirada laga filayo iney sii dar dar geliyaan howlihii ay dalka ka waday dowladii KMG aheyd ee ay xilka kala wareegtay, waxqabad muuqdana la timaado

 

Dhinaca kale, safiirka Itoobiya ayaa sheegay in maamulka u sameynta gobolada Jubooyinka ay xaq u leedahay oo kaliya dowlada Somalia, maadaama dalka ay iyadu masuul ka tahay aqoonsi buuxa oo caalami ahna heysato.

 

 

“Itoobiya waa ka tirsan tahay IGAD laakiin dowlada Somalia ayaa awood buuxda u leh iney maamul u sameyso gobolada Jubooyinka, IGAD xaq uma laha iney maamulo u sameyso gobolo ku yaala dal madax banaan oo leh dowlad aqoonsi buuxa heysata” ayuu intaa ku daray Danjire C/casiis.

 

 

Hadalka danjiraha Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili jahwareer iyo muran uu ka taagan yahay maamul loo sameeyo gobolada Jubooyinka kaasoo u dhexeeya dowlada Somalia, Jabhada Raaskambooni dowlada Kenya iyo urur goboleedka IGAD, kuwaasoo aragtiyo kala duwan ka qaba.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this