Sign in to follow this  
Abwaan

Mid ka mid ah Wasiirada cusub oo maanta si weyn Muqdisho loogu soo dhoweeyay+Sawirro

Recommended Posts

Abwaan   

Mid ka mid ah Wasiirada cusub ee uu todobaadkan soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon Saacid ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay.

 

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo ahaa Qunsulkii Safaarada Tripoli ee dalka Libiya ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Wasiiradii hore ee Haweenka Maryan Aweys, Xildhibaano uu ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Boqorka Beelaha Jareerweyne iyo haween fara badan.

 

Mudane Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy ayaa sheegay in dalka dib ugu soo laabtay si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka in Xukuumada ay ansixiyaan.

 

Wasiir Kaalmoy ayaa ka mid ah 10-ka wasiir ee uu soo xushay Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo uu ahaa wasiirka kaliya ee ka maqnaa munaasabadii magacaabista Golaha Wasiirada ee axadii la soo dhaafay, halkaasoo ay xaadir ku ahaayeen sagaal wasiir.

 

Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa ah xukuumadii ugu tira yareyd ee soo marta Soomaaliya, waxaana wasiirada 10-ka xubnood ay yihiin kuwo lagu soo xulay karti iyo aqoon, wasaaradaha loo dhiibayna ay waayo aragnimo u leeyihiin.

 

 

http://jowhar.com/news.php?readmore=3012

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this