Sign in to follow this  
General Duke

Somalia Cabinet has its last meeting: PICS

Recommended Posts

dhamaad-golaha_wasiirada_7.jpg

Golihii Wasiirada Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulankoodii u dambeeyay, iyagoo ay isku macsalaameeyeen Wasiirada ka tirsanaa Xukuumada uu hogaaminayay C/wali Gaas.

 

Kulankan oo lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadii Gaas mudadii sanadka ay jirtay ayaa waxaa shir gudoomiyay Ra'iisul wasaaraha waqtigiisu dhamaaday.

 

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumada waqtigeeda dhamaaday C/qaadir Xuseen Jahweyn ayaa sheegay in doorashada ka dhaceysa dalka ay sabab u aheyd waxqabadka Xukuumada ee dhinacyada siyaasada iyo ammaanka oo ay wax badan ka qabatay sida uu yiri.

 

"Shirka waxaa uu ajandihiisa ahaa ammaanka dalka iyo waxqabadkii Xukuumadii mudadii ay jirtay iyo doorashada dhowaan dhaceysa ayaa waxaa diirada ku saarnay marxalada cusub ee la galayo"ayuu yiri Mr Jahweyn oo sheegay in kulankan uu yahay kii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ay yeeshaan.

 

C/qaadir Jahweyn ayaa sheegay inay isku raaceen Golaha Wasiirada in la xaqiijiyo ammaanka, inta ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

 

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan Wasiirada, kuwaasoo markii dambe isu hambalyeeyay, iskuna gacan qaaday, isla markaana ay is macsalaameeyeen, maadaama Xukuumad cusub la soo dhisayo.

 

Wasiirada ayaa ugu dambeyn ka soo baxay iyagoo lugeynaya Xarunta Madaxtooyada, iyagoo tagay Hoyga Ra'iisul Wasaaraha, halkaasoo ay ku galeen sawir wada jir ah, kaasoo ahaa mid xusuus ah.

 

Golaha wasiirada ayaa kulmi jiray maalin walba oo Khamiis ah, waxaana ay kaga hadli jireen waxyaabaha u qabsoomay todobaad walba iyo arrimaha soo kordha, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo siyaasada.

 

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in la doorto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo soo magacaabi doona Ra'iisul Wasaare soo dhisa Xukuumad aan KMG aheyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this