Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed supporters attack KENYA why?

Recommended Posts

Waxaa Nairobi ka socda shir xasaasi ah oo u dhaxeeya wakiilo ka socda guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa Shariif Xasan Sh. Adan , Ra’iisul wasaarii hore A/wali Cali Gaas iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.

*

*

Shirkaan waxaa soo abaabulay dowlada Kenya oo dano toos ah ka leh hannaanka doorashooyinka ee ka socda Somaaliya iyo natiijooyinka ka soo bixi kara. Wararka qaar ayaa sheegaya in nuxurka shirkaan uu yahay in dowlada Kenya ay ku qanciso Sharif Xasan Sh. Aden in uu taageero A/wali Cali Gaas uuna ku wareejiyo cododka Barlamanka oo uu hada haysto, taas oo laga yaabo in ay suurtagaliso in A/Wali Cali Gaas ku soo baxo doorashada madaxtinimo ee Somaaliya.

 

*

*

Waxaa la sheegayaa in arrinkaan xarriir la leeyahay danaha dowlada Kenya ay ka leedahay Somaaliya sida maamulka Jubaland (Bufferzone) iyo shirkadaha shisheeyaha ah ee baarista batroolka ka wada xuduudaha Kenya iyo Somaaliya. Hadaba waxaa xusuus mudan markii ay ciidamada Kenya si sharci daro ah u soo galeen gudaha Somaaliya sanadkii hore in khilaaf xoog leh uu ka dhashay, kaas oo u dhaxeeyay madaxda sare ee TFGda.

*

*

Madaxweyne Sharif ayaa si toos ah u cambaareeyay kana codsaday dowlada Kenya in ay si deg deg ah ugala baxdo ciidamadeeda dalka. Halka Ra’iisul Wasaara C/Wali Cali Gaas uu soo dhaweeyay, ogolaadayna in ciidamada Kenya ku sii jiraan gudaha dalka Somaaliya.

*

Dadka falanqeeya siyaasada Somaaliya ayaa sheegaya in uu in mudo ahba jiray xariir hoose oo ka dhaxeeya A/Wali Cali Gaas iyo dowlada Kenya. Taas oo u jeedadeedu ahaan karto fududaynta amaba ogolaanshaha danaha dowlada Kenya ay ka leedahay Somaaliya waana taas mida keentay in dowlada Kenya ay si buuxda u taageerto A/Wali Cali Gaas.*

*

Saraakiisha dhinaca Kenya wadahalkaan ka qeyb galay waxaa ka mid ah, Wasiirka difaaca Yusuf Xaaji, guddoomiye xigeenka Baarlaamaanka Faarax Macalin iyo Ilyaas Barre Shiil. Dhammaantood waxay taageersayaan qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso inay ku dhisto maamulka Azaaniya iyo in Kenya ay shidaal ka qodato Dhulka ama Badda Soomaaliya.

*

Sidoo kale waxaa jira aragti ka duwanaan karta tan oo ah loolanka ka dhaxeeya region ka (Gobolka), sida Uganda iyo Kenya oo labaduba hadda ka wada tirsan AMISOM. Dowlada Kenya ayaa walwal ka qabta xariirka qotada dheer ee ka dhexeeya Sh. Sariif iyo Dowlada Uganda. Hadaba si ay u miijiso kaalinta ay ku yeelan karto arrimaha Somaaliya ayay ka gu’an tahay dowlada Kenya in ay door ku sheeshaan hogaanka sare ee Somaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this