Sign in to follow this  
General Duke

Gen Muuse Shiekh Xasan temporary Chair of new Somali Parliment...

Recommended Posts

Muuse_Xasan.jpg

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlaaanka cusub ee Soomaaliya Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle

 

--------------------------------------------------------------------------------

Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Jen.Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan.

 

Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan oo xilkan si KMG ah u sii heyn doona illaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay da’diisu tahay 72 sano.

 

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay markii xilka loo doortay kaddib waxaa uu ku sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u hambalyeynayo, ayna maanta heleen dowlad aan kumeel gaar ahayn.

 

Kaddib waxaa uu ka sii hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in berri laga billaabo ilaa 25 bishan ay musharrixiinta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbin karaan musharraxnimadooda, iyagoo la xiriiri doona guddi doorasho oo uu magacaabi doono, kaasi oo shaqeyn doona 9-ka subaxnimo illaa iyo 3-da galabnimo.

 

Muuse Shiikh Xasan Cabdulle, Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida ay noqon doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in wareegga koowaad ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan musharrixiinta, wareegga labaadna ay ka qeybgeli doonaan intii wareegga koowaad ka soo gudubta oo haddana hesha codad ka badan 50%, iyadoo wareegga 3aad oo ugu dambeeyana ay ku tartami doonaan labadii musharrax ee isugu soo hartay, iyadoo midkii wareeggan ku guuleystaahi uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto ayaa waxaa ku ekeyd xilligii loo qabtay dowladdii Federaalka KMG ahayd in ay xilliga kala-guurka ah ku dhammeyso howlaha horyaallay, waxaana sida muuqata hadda dhisan baarlamaan aan KMG ahayn, kaasi oo soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kaddibna madaxweyne soo magacaabi doona ra’iisal wasaare.

 

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka bishan kaddib marka 25-ka musharrixiinta xilkaas u tartameysa ay soo gudbiyaan musharraxnimadooda. Laakin waxaanan la shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha oo iyadana si weyn loo sugayo.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this