Sign in to follow this  
Liibaan

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo si Kulul u Cambaareeyay Guddiga Farsamada

Recommended Posts

Liibaan   

odayaasha_dhaqnak-620x330.jpg

 

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa manata kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka kaasoo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

 

Kulanka odayaasha beelaha Soomaaliyeed ey maanta Muqdisho ku yeeshaan ayaa waxaa ay kaga hadleen khilaafka u dhaxeeya odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoona si kulul u cambaareeyay guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ay ku sheegeen inuu dib ugu soo celiyay liiska xubno ay soo xuleen odayaasha.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka odayaasha dhaqanka oo ugu horeyn saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay inaysan aqbaleyn in shaqsi ay keensadaan odayaasha dhaqanka meesha laga saaro shaqsi masuuliyiinta dowladda ay keensadaana booska la gelsho.

 

Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi Faracade oo isna kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa guddiga farsamada ku eedeeyay inay meesha ka saareen xubno nadiif ah oo ay soo xuleen.

 

Si Kastaba ha ahaateee waxaa beryahan isa soo taraya eedaymaha loo jeedinayo guddiga farsamada ee soo xulinta baarlamaanka kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo aan ka turjumay danta iyo qaranimada soomaliyed, kana amar qaata Sharif Hasan iyo c/wali gaas.

 

 

 

Ismail Ahmed Ismail “Haradigeed”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this