Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Raiisulwasaare Dr. Abdi-weli GaasXaalufin ba'an baa lagu haaya xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xaalufin ba'an lagu haayo Xeebaha Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in la xoojin doono Ciidamada ilaalinta badda.

 

Dr. C/wali Gaas ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu daah furayay Mashruuc lagu maalgelinayo dhalinyarada oo shalay Muqdisho lagu qabtay, isagoo tilmaamay in dhibaatada badaha ka jirta ay il gaar ah ku hayaan.

 

"Waan la socona dhibaatooyinka ka jirta badaha, in kaluumeysi sharci daro iyo xaalufin lagu haayo, burcad badeedka waa dambi waayo waa qaadicul dariiq, balse waxa ay ka abuurmeen ayaa sidaas ah, sanadkiiba malaayiin doolar ayaa laga helaa kheyraadka bada"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha Ammaanka iyo xasilinta dalka uu qeyb ka yahay ammaanka badda, waxaana uu xusay in qorshahaas uu dhowaan soo shaac bixi doono.

 

Maraakiib shisheeye ayaa kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Soomaaliya, iyadoo ka qaata kheyraadka ka buuxa baddeena, iyadoo lagu qiyaasayo dhaqaalaha sanadkii ka helaan boqolaal malaayiin doolar.

 

Burcad badeedka Soomaalida oo sanadihii u dambeeyay ku xoogeystay xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed ayaa ka abuurmay dhibaatooyinka badaha ee kaluumeysiga sharci darada ka wadaan shirkadaha shisheeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this