Sign in to follow this  
Liibaan

Doorashada Madaxtinimada Dalka SOOmaaliya 2012

Recommended Posts

Liibaan   

Waxaa xilka madaxtinimada Somalia tartan ugu jira Somali aad u tiro badan waxaana laga yaabaa in tirada musharaxiinta Somalia ee sanadkan ay jabiyaan rikorka adduunka. Somalia ayaa wali ah dal siyaasadiisa iyo habka doorashdiisuba ay ku salaysantahay yaa tahay ama qabiilkaaga, halka ay adduunka intiisa badan ku salaysantahay fariinta musharaxu wado ama wax uu qabanayo haddii la doorto.

 

Dalalka Afrika ayaa madaxda xilka haysaa marar badan soo abaabulaan tartamayaal gacan ku rimis ah si loo kala qaybiyo codadka kuwa ka soo horjeeda madaxwaynaha markaas xilka haya ama xisbiyada mucaaradka ah hase yeeshee Somalia ama beelaha ****** gaar ahaan siyaasadoodu waa mid aad u fur furan isla markaasna mar kasta oo xubin beeshaas u dhashay uu xilka hayo waxaad arkaysaa iyadoo ay musharaxiin tiradooda lala yaabay garoonka siyaasadda si weyn u soo camirayaan. Arintaas ayaan inta badan beelaha kale ee Somalida ka dhicin, waxay kaloo Beelaha ****** Somalida kale kaga duwan hiyiin haraanka iyo waliba aragtidooda ku aaddan in ay iyagu ku habboonyiin in xilligan looga haro jagada madaxtinimada Somalia inkastoo aanay iyagu iskaga harayn isla markaasna ay abuurayaan in si fudud dhexdooda looga qaato maadaama aanay waxba isku quurin.

 

 

 

 

waxaan akhristeyaasheena ka codsanaynaa in ay noo soo gudbiyaa magacyada musharaxiinta beesha ****** ee bishan Agoosto kursiga madaxtinimada kula tar tamaya Sh. Shariif Sh. Axmed oo hadda haya kursigaas isla markaasna isaga qudhiisu sheegay inuu musharaxyahay.

 

 

 

Madaxtinimada Somalia waa mid u dhaxaysa Somalida oo dhan mana habboona in looga haro kuwa aan waxba isku quurin ee caaddaystay in koobka ay iyagu haystaan in ay si fudud u guddoonsiiyaan musharixiin laga yaabo in ay qaab qabiil u isticmaalaan awoodda dalka sidii dhacday doorashadii dawladdii Carte lagu riday ee ceebta badan laga dhaxlay. Maxay la egtahay fursadda ku guulaysashada kursiga madaxtinimda dalka ee xilligan ay haystaan xubnaha kor ku xusani, marka laga reebo Sh. Shariif? Waxaan qabaa in fursadda kaliya ee ay hasytaani tahay in ay madaxwaynaha xilka hadda haya la haraan si guushu musharax kale u raacdo. Fikir kaaga ka dhiibo.

 

 

 

Cabdulqadir Cilmi Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

timthumb.php?src=http%3A%2F%2Fwww.khaatu

Dr.Cali-CiiseCabdi.jpg

 

 

DR.Cali Ciise Cabdi oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Inuu u Taagan Yahay Xilka Madaxtinimo Ee Dalka SOOmaaliya

 

iyadoo uu xilli gaba gabo ah marayo wakhtiga kala guurka ee dalka Soomaaliya ayna soo badanayaan musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo Ee Soomaaliya. lana filayo inuu dalku ka baxo xaalada kumeel gaadhnimada ah . ayaa waxaa nasoo gaadhay warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in Dr.Cali ciise cabdi la rajaynayo inuu dhowaan ku dhawaaqo inuu kamid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo Ee dalka Jamhuuriyadda soomaaliya.

 

waxaa xusid mudan in Dr.Cali ciise cabdi uu kamid yahay gudiga G10ka oo kamida golayaasha Dawlad Goboleedka soomaaliyeed Ee Khaatumo state of somalia. sidoo kele dr.cali ciise wuxuu kamid yahya aqoon yahanka soomaaliyeed Ee Aaadka looga yaqaan geyiga soomaalidu degto.

 

xasan somali

 

Laas Caanood, Soomaaliya

 

 

 

201.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this