Sign in to follow this  
Somalia

PM Abdiweli Gaas speaks to British Ambassador And Olympic Committe (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulamo la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Britain Matt Bough, Gudiga Xiririka Olombikada Soomaaliyeed, iyo Wasaaradda dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Iyagoona ka wada hadlay qaabkii ay uga qeybgeli lahaayeen Ciyaartooyda Soomaaliyeed Ciyaaraha Olombikada Adduunka oo lagu qabanayo dalka Britain.

 

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda u sheegay kulan ay yeesheen kadib Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Bough, Gudiga Xiriirka Olambikada Soomaaliya iyo Ciyaartooydii ka qeyb gali laheyd tartankaasi Olombikada Adduunka oo dalka Britain ka dhici doono.

 

“Waxaa farxad weyn inoo ah in Ciyaartooyda Soomaaliyeed ay ka qeybgalayaana Olombikada Adduunka, Inagoo aan ognahay in Ciyaartooyda Soomaaliya ay ku tababaranayeen dalkooda oo aad aragtaan duruufaha ka jira Ciyaartoydu waxay dalka ka duulayaan 17 bishan iyado aan 16 bishana aan u samayn doono qado sharaf aan ku sagootinayno waxaana sharaf noo ah in aan ku faani karno in Ciyaartooydeena ay calanka Soomaaliya uu ka dhex muuqan doono fagaarayasha lagu soo bandhigayo Ciyaaraha kala duwan”.

 

Sidoo kale Safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Bough ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in 16 maalmood kadib uu furmi doono Ciyaaraha Olombikada Adduunka oo aan farxad la qeybsado Soomaaliya iyo Caalamka kalaba.

 

Waxaa sidoo kale farxad ii ah inaan la kulmo ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee ka dhacaya Magaalada London ee dalka Britain.

 

Wuxuuna intaasi ku daray inuu aad ugu faraxasanahay in tartanka Britain uga qeybgalayo Moha Farah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya kuna dhashay meel aan ka fogeyn Caasimada Muqdisho balse heysto dhalasho Britain ah.

 

Wuxuuna Safiirka sidoo kale wax laga xumaadu ku tilmaamay masiibadii dhacday April Tiyaatarka Qaranka kadib markii qarax lagu qaarijiyay Gudoomihiyii Gudiga Olombikada Soomaaliyo Aadan Yabaroow Wiish.

 

Ugu dambeyntii Waxaa goobta ka hadlay Wiilka iyo Gabadhii ee Ciyaaraha Olombikada Soomaaliyeed uga qeyb galayo tartanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka Waxeyna fariin u direen Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay iney natiijo wanaagsan ku soo hoyinayaan Calanka Soomaaliyeed.

 

Fwp9Z.jpg

761nb.jpg

pH7QP.jpg

QRD3s.jpg

jWGKu.jpg

Uo20f.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this