Sign in to follow this  
Dr_Osman

A Known Puntlander With Strong Backing Declares His Ticket For Somalia Presidential Election. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jamac oo booqasho ku maraya deegaanada Puntland.

Posted by Puntlandi on June 30th, 2012

 

Garowe(puntlandi.com) Musharax Xuseen Khaliif Xaaji oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa xilka madextinimo ee dalka Soomaaliya ayaa booqasho ku maraya deegaanada Puntlnad.

 

Musharaxa oo booqashadiisan Puntland ay uga soo bilaabatay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ay horkacayaan Madexda gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacyo, kulama kadibna ay u soo galibiyeen gobolka Nugaal iyo Caasimadiisa Garowe.

 

Duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland meel basaafo badan jirta waxaa wafdiga Musharax Xuseen Khaliif Xaaji uga hortagay dadweyne aad u farabadan oo iyaguna ay horkcayaan Madexda gobolka Nugaal, kuwa magaalada Garowe, Saraakiisha Ciidamada iyo xubno ka mid ah Madexda sare ee dawlada Puntland halkaas oo uu Musharaxu ku gacan qaaday dhamaan Madexdii dawlada iyo qayb badan oo ka mid ah dadweynaha soo dhaweynayay.

 

Intii uu Musharaxu ku soo jiray safarkiisa dhinca Dhulka ah ee uu ka soo bilaabay magaalada Gaalkacyo wuxuu soo maray degmooyin iyo Tuulooyin farabadan oo u dhaxeeya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe kuwaas oo uu kula hadlay dadweyne farabadan iyo Madexdoodii oo ku soo dhaweeyay.

 

Musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jamac iyo wafdigiisu markii ay soo gaareen gudaha magaalada Garowe ee Caasimada Puntland wuxuu kulan Casho sharaf ah la qaatay Qaybaha kala duwan ee bulshada Bulshada Puntland, Madexda dawlada iyo qaar ka mid ah Isimada iyo Nabadoonada Puntland.

 

Kulankan Casho sharafta ah oo ay ka hadleen xubno farabadan ayaa musharaxu wuxuu ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan islamarkaana uu ku cabiray waxqabadka uu doonayo in uu muujiyo hadii loo doorto xilka Madexweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana ka miq ahaa qodobada uu sida weyn uga hadlay musharaxu Joogtaynta Xiriirka iyo iskaashiga bulshada soomaaliyeed ee mudada kala maqnayd, Xoojinta Nabadgelyadda Guud ahaan Dalka soomaaliya, Dibu dajin iyo dibu heshiisiin waarta wadanka oo idil, Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan dalka , Soo noolaynta xiriirkii ay soomaaliya Caalamka kale la lahayd, Joojinta iyo ka hortaga Burcadbadeeda iyo Argagixisada, Dhismaha Maamul Tayo leh oo ku salaysan Nidaamka Federalka ee soomaaliya, Kobcinta iyo dardargelinta dhaqaalaha dalka, Dhimista fakhriga iyo yaraynta shaqo la,aanta ka jirta gudaha wadanka Soomaaliya iyo Dardargelinta Mashariicda Horumarineed ee laga hirgaliyo guud ahaan gobollada wadanka soomaaliyeed wuxuuna musharaxu ka dhawaajiyay in uu wax badan ka badeli karo xaalada wadanka Soomaaliya uu hada ku jiro islamarkaana uu u horseedi karo Nidaam kala dambayn iyo horumarba leh.

 

Kulankan waxaa sidoo kale ka hadlay xubno farabadan oo ka mid ah masuuliyiintii kulankan ka soo qayb gashay.

 

Cabdi Xirsi Cali oo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa qaatay hadalka waxaana uu uu sheegay in loo bahanyahay in la helo Hogaamiye wanaagsan oo ka saari kara dalka marxaladda alafsan ee uu mudada dheer kusoo jiray si taa loo helana waxaa ay ku xiratahay sidii ummadu u xulan lahayd baarlamaan tayo leh dabadeedna doorat Madaxweyne hogaamin wacan.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa saladiintii soo ajiibtay kulanka ayaa isna xusay in ay si weyn usoo dhaweynayaan Musharax Xuseen Khaliif Xaaji ka isimo ahaan.

 

Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiiladda puntland Xuseen Yaasiin ayaa ku booriyey shacabka soomaaliyeen in lasoo dhaweyo musharax oo ah nin dhalinyaro ah kuna fakarayo mansab siyaadeed oo soomaaliya lagu hogaaminayo,waxaana uu gudoomiyuhu shaaca ka qaaday in ay puntland soo dhaweynayso aragtida saliimka ah ee musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac.

 

Dhanka kale waxaa iyaguna Kulankan ka xubno kale oo ka koobnaa Siyaasiyiin, Ururada bulshada rayidka ah, Odayasha dhaqanka iyo Aqoonyahano fabadan dhamaantood rajo wanaagsan ka muujiyay isbadelka Soomaaliya hadii qof aqoon leh loo doorto, musharaxanna ku guubaabiyay hamigiisa siyaasadeed islamarkaana u cadeeyay in ay ku taageersan yihiin in uu noqdo Madexweynaha Soomaaliya doorashada kadib.

 

Musharax Xuseen Khaliif Xaaji oo habeenimadii xalay ahayd isaga iyo wafdigiisu ay seexdeen degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa la filayaa in uu socdaal ku maro dhamaan gobollada Puntland sidoo kalana uu kulamo la qaato Madexda ugu saraysa dawlada Puntaland iyo shacabka qaybihiisa kala duwan si uu ugu cabiro hamigiisa siyaasadeed una tuso waxqabadka uu dalka Soomaaliya la maagan yahay hadii uu xilka Madexweynaha ku guulaysto.

 

www.puntlandi.com

 

Daawo Sawirrada:-

 

147.jpg

150.jpg

145.jpg

146.jpg

148.jpg

149.jpg

152.jpg

155.jpg

150.jpg

153.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

So Far we have 3 candidates running for Somalia Presidential Elections.

 

1. Ali Abdi Aware

2. Muse Ali Jamac

3. Hussein Khalif Haji Jamac.

 

All of whom are strong candidates. But this guy Ina Khalif has local government support. From The Biggest Islan in Nugaal, The Governor and other prominent locals. My bet is on him for now, because he is a serious candidate coming out of Puntland!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this