Sign in to follow this  
Somalia

Puntland VP Abdisamad meets UN officials in Garowe (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

Madaxweyne kuxigeenka oo la kulmey madaxda JPLG

23 Jun 23, 2012 - 8:16:32 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 23 June,2012 ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe madaxa barnaamijka Qaramada Midoobey ee horumarinta degmooyinka JPLG Mr. Patrick Duong.

 

Joint Program Local Government ‘JPLG’ayaa waxa uu ka shaqeeyaa 7 degmo oo Puntland waxana ku bahoobey shan hayadood oo Qaramada Midoobey ka tirsan waxana ka sokow horumarinta degmooyinka qayb ka ah xukun baahinta ,dimoqraadiyeynta iyo weliba maamula wanaaga.

 

Kulanka dhexmarey labada dhinac ayaa waxa goob jooga ka ahaa saraakiil ka tirsan madaxtoayda halka dhinaca kale fadhiyeen Anka Kitunzi madaxda farsamada barnaamijka JPLG,Maxamed Ali Nuur agaasimaha qorshaynta ee wasarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo weliba Faridah Kariimi iyo Nasro Islaan oo iyaguna ka tirsan hawlwadeenada JPLG.

 

Habsami u socodka barnaamijka horumarinta degmooyinka Bosaso ,Qardho ,Garowe ,Galkacayo ,Eyl ,Bander Beyla iyo Jariiban oo ka socda magaalooyinkaasi ayaa laga wada hadley iyo weliba baahida loo qabo inay laga war qabo hawlaha ay ka fulinayaan hayadahan deegaanada Puntland.

 

‘’Qaabka ay shaqadu u socoto ayaa laga wadahadlay waxana uu ahaa kulankani mid labada dhinaci isku weydaarsadeen afkaar kala gedisan ugu danbeyntiina fahan guud oo mideysan ay ka qaateen’’ ayaa waxa yiri Afhayeenka madaxtoyada Puntland Axmed Cumar Xirsi kadib kulankaasi.

 

IMG_1738.JPG

IMG_1721.JPG

IMG_1723.JPG

IMG_1724.JPG

IMG_1725.JPG

IMG_1728.JPG

IMG_1732.JPG

IMG_1734.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this