Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia's TFG deputy prime Minister Carab Ciise receives french delegation

Recommended Posts

KU-SIMAHA RA’IISUL WASAARAHA DALKA SOMALIYA OO MAANTA KULAN LA QAATAY WEFDI KA SOCDA DOWLADDA FARANSIISKA

Wednesday June 20, 2012

 

MUQDISHO(CNN) Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mrs, Elisbeth Barbier oo ah Agaasimaha Waaxda Afrika

u qaabilsan dowaldda Faransiiska,islamarkaana uu ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen, C/qaadir Cali Diini, Iyagoona ka wada hadlay Amniga hormarinta Siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

 

 

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xafiiska ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.Wuxuuna sheegay in maanta ay Kormeer ku timid Mrs Elisbeth Barbier oo horey sanadkii 2008 Muqdisho u timid.

 

 

“Mrs, Elisbeth waxey horey u timid sanadkii 2008, oo markaasi muqdisho aan aheyn sida ay maanta tahay, Waayo maanta Muqdisho waxaa laga gaaray hormar xagga amniga ah, Bilicda magaalada ka muuqato, oo xataa Mrs Elisbeth la yaabtay markey garoonka ka soo tagtay inta ay wada soo socotayna ay aragtay baabuurta oo ciriiri ah dadki oo ganacsanayo, taasina waxay cadeyneysaa in Muqdisho ay amni tahay”.

 

 

Wuxuuna intaa ku daray in ay ka wada hadleen hormarinta Siyaasadda, Amniga,derder gelinta Roadmap-ka,Dhaqaalaha iyo waliba sidii looga bixi lahaa KMG.

 

 

Sidoo kale, waxaa iyana saxaafadda la hadashay Mrs, Elisbeth Barbier oo sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay imaatanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Waxeyna intaa ku dartay iney Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga,loona hormarin lahaa Siyaasadda Soomaaliya, Dhagaalaha iyo in la taageero gedi socodka Nabadda ee Roadmap-ka, Waxaana isku afgaranay in si wada jir ah arrimahaasi la isaga kaashado.

 

 

Ugu dambeyntii Mrs, Elisbeth ayaa u mahadcelisay dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona sheegtay iney fariin soo gaarsiineysay dowladda Soomaaliya oo ku aadaneyd sidii looga taageeri lahaa Amniga,Roadmap-ka, iyo dhaqaalaha balse waxey wada hadalka ay la yeelatay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamtay mid is afgarad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this