Sign in to follow this  
Somalia

Ciidamada Ethiopia oo mar kale xiray Diyaad Cabdi Kaliil, Gedo

Recommended Posts

Somalia   

Luuq: (Sh. M. Network) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in mar kale la xiray Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la tilmaamay in Sarkaalkaasi loo xiray amar diiddo uu sameeyay.

 

Waxa la sheegay in Sarkaalka Ciidamada Ethiopia ay ku wargaliyeen in uu ku laabto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo oo uu mar hore ka yimid, hase ahaatee markii uu ka dhaga adeegay haddana mar labaad Xabsiga ay u taxaabeen.

 

Saraakiisha dowladda KMG ah ee Gedo ayaa hadda ku waramaya inay socdaan waan waan lagu sii daanayo Diyaad Cabdi Kaliil, iyadoo aan aheyn markii ugu horeysay oo Sarkaalkaasi ay Xabsiga u taxaabaan Ciidamada Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

allpuntland

 

Wararka laga helayo Degmada Luuq ee Gobolka Geddo ayaa waxay sheegayan in Ciidamada Itoobiya ay markale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabd kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada.

 

Sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad ee Gobolka Geddo ayaa Allpuntland u sheegay inuu jiro Xariga Diyaad Cabdi kaliil oo ah Taliyaha Saldhiga degmada Luuq.

 

Xariga Ciidamada Itoobiya ay kula dhaqaqeen Diyaad Cabdi kaliil ayaa waxaa latilmaamayaa inay salka kuhayso Amar diido uu ku sameeyay hadalka kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Gobolka Gedo.

 

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in Taliyaha uu diiday inuu dib ugu laabto degmada Garbahaareey oo ay kusugan yihiin Ciidamada Dowlada halkaas oo uu horay ugu yimid.

 

Saraakiil katirsan Dowlada oo kusugan Degmada Luuq ayaa wado haatan waan waan lagu siidaynayo Taliyaha.

 

Waa Markii labaad oo Ciidamada Itoobiya ay Xiraan Saraakiil kartirsan dowlada waxaana dhawaan ay Itoobiyanka sarakiil katirsan dowlada ku xireen Isla gobolka Geddo kadib markii ay ku eedeeyeen Sarakiishaas inay kasoo baxeen agagii dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this