Sign in to follow this  
Dr_Osman

South Africa Ambassador Visits Puntland. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Safiirka South Afrika Somalia oo Garowe booqasho ku yimid

 

11 Jun 11, 2012 - 9:13:59 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 11 June,2012 ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe safiirka South Afrika u qaabilsan dalalka Kenya iyo Somalia Ambassador Ndumiso Nshinga iyo saraakiil ku wehelineysey socdaalkiisan Puntland.

 

Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo Agaasinka guud ee madaxtoyada Puntland Dr,Jaamac Warsame.

 

Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland ,asaaskeedi ,horumarkay gaadhey iyo waxyaabaha ay tabanayaan islamarkaasina dowladda South Afrika u gudbinayaan inay wax kala qabato.

 

Waxa uu u sheegey safiirka South Afrika inay Puntland dowladd iyo shacab ay ka go’antahay inay Somalia qayb ka nodaan xasilinteeda iyo nabad dib ugu soo dabaalideeda waxana miiska wadahadalka saarnaa horumarka laga gaarey qorshaha Khariidada nabada Somalia ee KMGnimada looga baxay August 2012.

 

Dhankiisa ayuu safiirka Kenya iyo Somalia u qaabilsan South Afrika Ndumiso Nshinga muujiyey farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland iyo inuu xog ogaal ka noqdey maamulkeeda waxana uu tilmaamey in dowladdisu dooneyso inay Somalia gacan taakulo u fidiso maadaama Somalia horey kaalin mug leh uga soo qaadatey caawimaada dalkiisa xiligii Midab takoorku jirey.

 

Dowaldda Somalia ayay South Afrika u balanqaadey lacagyow lagu horumarinayo isagoona safiirka Puntland u sheegey in dowladiisu si gaar ah ula macaamileyso Puntland oo deeqaha la soo gaariisnayo.

 

Waxa uu raaciyey inay ka caawindoonaan Puntland sameynta biyo xireeno ,dhinaca daaqsinka ,tababarida iyo qalabeynta kaluumeysatada xeebaha Puntland.

 

Socdaalka Safiirka South Afrika ee Puntland ayaa la filayaa inuu maalmo qaatey islamarkaasina uu kuurgalo xaalada deegaanka iyo kulamo uu la yeelanayo masuuliyiinta kala duwan.

 

IMG_1605.JPG

IMG_1609.JPG

IMG_1611.JPG

IMG_1629_2.JPG

IMG_1630.JPG

IMG_1631_1.JPG

IMG_1633_1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this