Sign in to follow this  
Saalax

Shirkadda Shidaalka ka Qodaysay Puntland oo sheegtay inay joojinayso ceelkii ay ka qodaysay Dooxada

Recommended Posts

Saalax   

Shirkadda Shidaalka ka Qodaysay Puntland oo sheegtay inay joojinayso ceelkii ay ka qodaysay Dooxada Darroor

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo.

 

Warbixin ay shirkadda soo saartay ayay ku sheegtay in riiggii ay ka saartay halkii uu ku mudnaa, iyadoo xustay inay horay u qorsheysay in markii ay hoos u socdaan 3800-mitir uu shidaal imaan doono, balse ay gaareen 3,430-mitir balse aysan hayn wax shidaal ah.

 

Shirkaddan oo saldhigeedu yahay dalka Kanada ayaa waxay sheegtay in howsha lagu qodayo shidaalka ay u wareejin doonto deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, iyadoo heshiiska shirkaddan iyo Puntland ay galeen uu dhigayo in 51% ay shirkaddu yeelato shidaalka la helo.

 

Howsha lagu qodayo shidaalka Puntland oo billaabatay bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga billaabo shidaal qodis.

 

Puntland ayaan weli ka hadlin joojinta ay shirkadda Horn Petroleum Corp joojisay qodistii shidaalka ee Puntland ay kawadday, iyadoo shirkaddu aysan sheegin halka ay qodidda shidaalka ka billaabayso.

 

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in shidaalkan uu u horseedayo Puntland horumar, isagoo xusay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay shirkaddan u billaabi lahayd howsha qodidda shidaalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

To move the rig and drill 3.5 km north while testing this one and then bringing the rig back to Shabeel-1 to drill again. All to save time.

 

Which rig do you have?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

This is an unfortunate development, but we have to remain hopeful that they will find oil in whichever place they start drilling next. Hala soo duceeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this