Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Shirka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho oo la sheegay in uu hareeyay Musuq Maasuq

Recommended Posts

Shirka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho oo la sheegay in uu hareeyay Musuq Maasuq

SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 15, 2012

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee lagu casuumay Shirka ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in uu fashilmay shirka ka socda Magaalada Muqdisho.

 

Ugaas Max’ed Ugaas C/laahi Ugaas Axmed oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Odayaasha ee ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid hareeyay musuq maasuq islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Ugaaska oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi Odayaasha ka qeyb galaya aan aheyn kuwa matala Beelaha Soomaaliyeed islamarkaana lagu casuumay dad gaar ah oo la garab maray Odayaashii Saxda ahaa ee matalayay Beelaha Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in shirkaasi aan wax dan ah ugu jirin shacabka Somaaliyeed.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa soo baxayay dhaliilo loo jeedinayay shirka Odayaasha ee ka furmay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulayao Ergadii Ansixin laheyd qabyo qoraalka Dastuurka, waxaana xusid mudan inay jiraan Odayaal kale oo si cad ugu soo horjeestay shirkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this