Sign in to follow this  
Dr_Osman

Oh God. Another Heavyweight Exits From Puntland. Cismaan Uunlaaye. The Richest Man In Somalia

Recommended Posts

Dr_Osman   

Kumuu ahaa Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye

 

May 14, 2012 // Warar Somaali

 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

 

Taariikh waliba mar bay qorantaa, qof walibana wuxuu galo ama qabto ayuu taariikhda ku galaa. Qofbaa waxa uu taariikhda ku galaa geesinimo, mid baa ku gala magac dheeri uu ku muteystay arimo kale. Mar walbaa waxaa wanaagsan qof walbaa wuxuu ahaa in laga abaal mariyo. Taariikhdu iyadaa isqoreysa oo qof walbaa wuxuu galaa loo qorayaa oo baal u galaya..

 

Allaha u naxariistee Ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin uu Allaah ugu deeqay hanti ballaran oo runtii ka dhex muuqatay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaaladii caasimada aheyd ee Muqudisho. Luuq walboo aad kasoo baxdo waxaad ku arkeysay Guri uu lahaa ama masaajid uu ummadda ugu deeqay. Waxaa kaloo uu waliba caan ku ahaa dhisitaanka goobaha caafimaadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa dhisitaankii isbitaalkii Indhaha ee magaalada Afgooye. Waxaa kaloo ibraahim Uunlaaye lagu xasuusan doonaa barnaamijyadii horumarinta isboortiga iyo waliba sidi uu u taakuleyn jiray Kooxdii gobolka jubbadda hoose ee Kismaayo.

 

Ibraahim Uunlaaye waxaa uu ahaa nin qaran oo waliba muwaadin Soomaaliyeed ah, aadna u taakuleeya dadka saboolka ah iyo waliba dadka liita. Waxaa kaloo lagu xasuustaa qeybtii libaax ee uu kasoo qaatay halgankii dhalinyarada ee SYL

 

Ibraahim Uunlaaye waxaa kaloo uu ganacsi ballaaran ku lahaa waddamadii geeska Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa uu hanti ballaaran iyo ganacsi xoog leh ku lahaa magaalada Kismaayo. Allaha u naxariistee taariikhdiisu kuma soo koobi karno qoraal kaliya ee laakiin taariikhda iyadaa xusi doonta.

 

Geeridu waa xaq, naf walibana maalinteeda ma dhaafeyso, laakiin Ibraahim Uunlaaye wuxuu ahaan doonaa mid aan xusuusta ummadda Soomaaliyeed si ciyaar ciyaar ah uga bixin waxaana lagu soo xasuusan doonaa sida ay hantidiisii u bishay bilicdii caasimada iyo waliba magaalada Kismaayo.

 

Mart labaad iyo mar saddexaadba waxaan leenahay Allaha u naxariista oo janatul ferdowsa ka waraabiyo, dadkiisii, eheladiisii iyo waliba guud ahaan ummadda soomaaliyeedna waxaan leenahay Allaha samir iyo iimaanba idinka siiyo. Aaamiiiiin.

 

 

 

Cabdixakiim Jaamac jooje

 

Social Development Adviser – Leicester UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyaynaysa Allaha u naxariistee Xaji Ibraahim Uunlaaye

 

Dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanada jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba kadib geeridii ku timid ganacsadihii weynaa ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka kenia.

 

 

 

Ibraahim Uunlaaye waxaa lagu xasuustaa sida hagar la’aanta leh ee uu uga qeyb qaadan jiray howlaha samafalka iyo horumarka dalka. Waxaa uu si gaar ah isaga xilsaari jiray dhisitaanka Masaajidyada iyo waliba isbitaalada. Allaha u naxariistee ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin si weyn looga yiqiin dhammaan waddamada geeska Afrika, kana mid ah halgamayaashii xisbigii leegada ee SYL.

 

 

 

Dhamman jaaliyadda Leicester waxa ay leeyihiin Allaha samir iyo iimaanba ka siiyo dadkiisii, eheladiisii iyo waliba dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagana Allaha janatul ferdowsa ka waraabiyo. Aamiin.

 

Tacsida waxaa diraya

 

1- Yaasiin Daahir

 

2- Suldaan Maxamuud Qiilmawaayo

 

3- Xildhibaan Cabdi Maxamuud Tarax

 

4- Xildhibaan Aadan Maxamed Cali

 

5- Shiikh Cabdalle Maxamuud

 

6- Jaamac Shiikh Cusmaan

 

7- Cabdullaahi Suudi

 

8- Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude

 

9- Maxamed Cabdixaliim

 

10- Cabdullahi Muuse Guuto

 

11- Axmed Cali Bete

 

12- Cali Gacaneey

 

13- Cabdixakiim Jaamac Jooje

 

14- Axmed Guufe

 

15- Cali Cashuur

 

16- Suldaan Cabdifataax Guure

 

17- Cabdidaahir Sodonle

 

18- Siciid Yuusuf

 

19- Mustafe Cali Madoobe

 

20- Maxamed Yuusuf

 

21- Cabdirisaaq Dhamac

 

22- Cabdulqaadir Biina

 

23- Cabdulcasiis Qoolif

 

24- Cabdirishid Qandala

 

25- Ayaanle Saxar

 

26- Xasan Oslo

 

27- Cabdiraxmaan Shiino

 

28- Maxamuud Isqasaal

 

29- Bashiir isqasaal

 

30- Axmed Jaamac

 

31- Maxamed Jaamac

 

32- Liibaan Xirsi

 

33- Farxaan cali Nuur

 

34- Cabdinuur Bootaan

 

35- Cabdicasiis Muuse Qaalid ( Xeylo Boodo)

 

36- Axmed Dhalacadde

 

37- Cabdullaahi Dhunkaal

 

38- Cabdisamad Qeyliye

 

39- Mustafe Qeyliye

 

40- Cabdirishiid Beeldaaje

 

41- Warsame Beeldaaje

 

42- Sharmaarke Buule

 

43- Maxamed Yaasiin

 

44- Maxamed Saalax

 

45- Cabdisalaam Teetano

 

46- Maxmed Jaamac

 

47- Cali Ciise

 

48- Cabdicasiis Maxamed Ciise

 

49- Cabdulqaadir Maxamed Ciise

 

50- Jamaal Siciid

 

51- Sahra Yuusuf

 

52- Leylo Jaamac Jooje

 

53- Shukri Siciid Daahir

 

54- Sucaad Ceygaag

 

55- Fowsiyo Cartan

 

Cabdixakiim Jaamac jooje – Leicester UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this