Sign in to follow this  
Liibaan

Dawladdu Way Ku Fashilantay Shirka Madaxda Dhaqanka Ismaaciil Buubaa

Recommended Posts

Liibaan   

bubaa.jpg

 

 

"Dawladdu Way Ku Fashilantay Shirka Madaxda Dhaqanka" Ismaaciil Buubaa

Lasanod Online. Sunday, May 13, 2012

 

 

 

 

Muqdisho,(lasanod Online)- Ismaaaciil Hurre Buu-baa oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadihii dalka soo maray ayaa waxa uu sheegay sin Xukuumadda KMG ah oo uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare C/weliGaas ay ku fashilantay shirka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa in lagu ansixinayo Dastuurka cusub.

 

Ismaaciil Hurre Buu-baa ayaa waxa uu xusay in goobta uu shirka ka soconayo aysan Maamulin dadkii ehelka u ahaa arrimaha soconaya, wuxuuna sheegay in qalad badan uu ka dhex jiro goobta ,islamarkaana uu sheegay in taasi aysan ahayn wax dawladnimo ah.

 

Sidoo kale Buubaa ayaa waxa uu ugu baaqay Dawladda KMG ee Soomaaliya inay dib isugu laabato si loo saxo khaladaadka badan oo uu tibaaxay in xilligaani uu ka jiro goobta uu ka soconayo shirkaas lagu ansixinayo arrimaha Dastuurku.

 

Shalay ayay ahayd markii Odayaal ka mid ah kuwa ka qeyb qaadanaya shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho ay sheegeen in shirkan wax badani ka qaldanyihiin, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhigo.

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this