Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Imaam Maxamed Yusuf Cali oo isaga baxay shirka Odayaasha

Recommended Posts

Imaamka Beesha Mudulood uga qeybgalayay Shirka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee kasocda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shirkaasi uu isaga baxay Dibad joogna uu ka yahay.

 

Imaam Maxamad Yuusuf Cali oo kamid ah duubabka saameynta leh ee soomaaliyeed ayaa sheegay in uusan qeyb ka ahayn duubabka uu shirku uga furmay magaalda muqdisho 5 tii bishan waxaana uu intaa ku daray in uu tagay oo kaliya maalintii la furayay wixii intaa ka dambeeyayna uu dibada ka joogay .

 

Imaamka ayaana ku macneeyay Sababaha uu shirka uga baxay in ee tahay in Goobta dadka la isugu keenay u badanyihiin Rag Duubab Waa weyn iyo Cimaamado iska soo xirtay hasa ahaatee aan aheyn Odey Dhaqmeedyadii la yaqaanay .

 

 

 

Imaamka ayaa xusay in Ragan meesha la isugu keenay ee Duubabka loo xiray ee yihiin Rag si gaar ah loo soo xushay duubabna loo soo hubiyay lagana leeyahay Dano Siyaasadeed sida uu Sheegay.

 

Imaam Maxamad Yuusuf Cali ayaa xusay in Wasaarada arimaha gudaha ee dalka u sheegtay in ay kala saari doonto duubabka saxda ah ee soomaalidu taqaano iyo kuwa bugta ama been abuurka ah hadii aan la kala saarin oo aan shirka laga bixin dadkaa uu tilmaamayna ay isaga iyo duubab kale oo uusan carabaabin aysan halkooda u dhaafi doonin

 

 

 

Dhinaca kalana iimaamka beesha mudulood waxaa uu sheegay in in distuurka la ansixinayo ee lasheegayba aaney wali arag ama aan loosoo bandhigin sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn in uu ansixiyo wax uusan ogeyn waxa ay yihiin.

 

Waxaa kaloo xusid mudan in waayadan dambe ay socdeen murano u dhexeeya siyaasiyiinta gaar ahaan xildhibaanada iyo qaar wasiiro ah oo af duubaya hogaamiye yaasha dhaqanka saxda ah ee beelohooda si ay u keensadaan rag gacan ku rimis ah oo ay kasoo dhigeen duubab si ay iyaga hadhow ugusoo qoraan kuraasida beesha kasoo gaaraya baarlamaanka mustaqbalka dhow la dhisayo

 

Source Radio Dalsan

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this