Sign in to follow this  
Liibaan

KH-PL Talks: Wafuuda KHaatumo State oo La Kulmay Jaaliyada Puntland Nairobi (Sawiro)

Recommended Posts

Liibaan   

Kha.jpg

Calanka-Puntland.jpg

Puntland.jpg

 

 

Khaatumo-Online1.jpg

 

 

KH-PL Talks: Wafuuda KHaatumo State oo La Kulmay Jaaliyada Puntland Nairobi (Sawiro)

http://lasanod.com/details.php?num=7410

 

Lasanod Online. Wednesday, May 09, 2012

 

 

 

Nairobi,(Lasanod Online)- Wafuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State ee ku sugan caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta waxay la kulmeen siyaasiyiin, odayaal.

 

Ganacsato iyo waxgaradka jaaliyada beesha Puntland ee wadanka Kenya.

 

Kulankaasi wuxuu ka dhacay hotel intercontinental ee magaalada Nairobi.

 

kulankan oo odayaashii beesha Puntland oo martiqaadkan u sameeyay wafuuda Khaatumo State ayaa muujiyey sida ay beel ahaan u taageersanyihiin dhalashada Maamulka Khaatumo State iyo shacabka walaalahooda e tashaday.

 

Waxay sidoo kale Jaaliyadda Puntland ka raali geliyeen Shacabka Khaatumo State hadalada deel qaafka ah iyo faro gelinta ka timaada maamulka hadda ka taliya Garoowe. Iyagoo ku tilmaamay midaysan shacab ahaan raali ka ahayn.

 

Wafuuda Khaatumo State waxaa hogaaminayey madaxweynaha C/nuur Cilmi Qaaje iyo xubno ka tirsan golaha dhaqanka ee Khaatumo State.

 

Kulankan oo ay goob joog ka ahayeen siyaasiyiin iyo madax dhaqan misaan weyn ku leh labada beelood ayaa kusoo dhamaaday is afgard iyo jawi fiican.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

100_2856.JPG

100_2832.JPG

100_2827.JPG

 

100_2817.JPG

 

 

 

Khaatumo-38.jpg

 

KHaatumo State Activist Aqoonyahahan Dr. Osman Hassan Al- Badawi

 

DSC07472.jpg

 

KHaatumo State Activist Aqoonyahahan Dr. Cali Khaliif Galeydh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Kulan Dhexmaray Wafuuda Maamul Goboleedka KHaatumo State ee ku Sugan Nairobi Iyo Jaaliyada Puntland (Daawo Sawirada)

 

Waxaa maanta kulan ku dhexmaray magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya Wafuuda KHaatumo State of somalia iyo Jaaliyada Puntland. kulanka oo ka dhacay hotel intercontinental magaalada nairobi ayaa waxaa dhanka KHaatumo State u joogay wefti uu horkacayey MadaxWayne C/Nuur Cilmi Biidhe oo ay ka mid yihiin :

 

 

Wafuuda KHaatumo State:

- Madaxweyne C/Nur Cilmi Qaaje

- Garaad C/salaan Xasan Maxamed

- Garaad Cali Buraale xasan

- Garaad Suleebaan Aw-Aadan

- Prof Cali khaliif Galaydh iyo xubno ka mid ah jaaliyada khaatumo state ee Barriga Africa.

 

Dhanka Jaaliyada Puntland Ayaa Waxaa u Joogay.

 

- Dr. Bashiir Ciise Cali Yare

- Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil

- Maxamed Cabdinuur Xirsi

- Jaamac Orshe

- C/raxmaan Maxamed Warsame

- Daahir Sooyaan

- C/xakiin Maxamed Xaashi ( amxaar)

- Cali Dooy iyo xubno kale.

 

Madaxwayne c/nuur cilmi qaaje ayaa sheegay in labada shacab ee KHaatumo State iyo Puntland ay yihiin dad walaalo ah laakiin Ay JiraanDad Kala Fogaynaya waxaana uu madaxwaynuhu xusay in dhankooda ay Diyaar u Yihiin Deris Wanaag Iyo in Walaalnimo lagu Wada Noolaado, sidoo kale isimadii iyo siyaasiyiintii kale ee ka socday dhanka khaatumo state ayaa sheegay inaanay wax dhib ah ka dhexayn iyaga iyo shacab reer Puntland. Dhanka Mus’uuliyiintii u hadashay beesha Puntland Ayaa Si Cad u Sheeegay Inay Si Dhow ula Shaqaynayaan Maamulka KHaatumo State Raalina Aanay Ka Ahayn Siyaasada Quracan ee Maamulka Faroole. Shacabka reer khaatumana yihiin dad walaalhooda horena ay isku maamul ahaayeen hada markii maamulkii ka dhexeeyey kasoo bixi waayey howshii loo igmaday ay aayahooda katashadeen kuna ixtiraamayaan maamulka ay samaysteen.

 

kulan ayaa qayb ka noqonaya kulamo isdaba joog ahaa oo wafuuda maamulka khaatumo ee mudooyinkii danbe ku sugnaa Barriga Africa ay la yeelanayeen beelaha soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Isku soo wada duuboo kulankan maanta ayaa ahaa mid xidhiidh la leh siyaasada Somaliya Ee Maamulka Khaatumo 360 degree wareejiyay,kulamada ka soconaaya magaala madaxda Somaliya Ee Muqdisho ayaa waxaa iyagana ka mid ahaa kulan isla maanta Raisul-wasaaruhu la yeeshay Isimada maamulka Khaatumo balse aan wax is af garad ahi ka soo bixin,dadwyneaha ka soo jeeda Puntland Oo aad muudo inay lug iyo Faras ku Ordayaan iminka sidii ay Khaatumo isaga kaashan lahaayeen arimaha Siyaasada Somaliya Ee xiligan la joogo Ninkasta baqdin gelisay iyo Aaminaad la’aanta Khaatumo ka qabto Puntland kasokow ayaa waxaa marnaba aan joogsanayn hadalada ka soo burqanaya Afka madaxa ugu sareeya Maamulka Puntrland Ee sheegashada dad tashaday,Aflagaadada,Fogaynta,iyo IWM.Diini C/laahi Maxamed {Xiddig}

 

100_28391-1024x768.jpg

42.jpg

32.jpg

92.jpg

2111.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this